2.7 Milyan oo Xujaaj ah oo Maanta iskugu tagaya Buurta Carafo si ay u gutaan Rukniga Ugu Wayn Ee Xajka
london Oct 25/12 2.7 milyan oo xaaji ayaa isugu tagan Buurta Carafo, si ay halkaa u gutaan tiirka ugu muhiimsan ee Xajka,Nabigeeni Maxamed (NNKHA) ayaa xadiis saxeexa ku sheegay in muhiimada xajku tahay, Carafo ama istaaga Carafo, waxaanay leedahay xuduudo sugan oo uu ku ansaxayo istaageedu, wakhtiyadan danbana waxa loo sameeyay calaamado muujinaya xuduudaha carafe iyo qofka dibada ka taagan si aanay xujaajta uga lumin fursadaasi.
Arrimaha ugu muhiimsan ee xujaajtu samayn doonaan inta ay ku sugan yihiin Carafo ayaa ah, dhagaysiga khudbada Imaamka masaajidka Namir, ka dibna waxa ay tukan doonaan salaadaha duhur iyo casar oo la jamciyay ama la isku daray lana yareeyay oo la koobay ama qasri laga dhigay
Ammaanka ayaa si wayn loo ilaaliyay, waxaana jira ilaa toban kun oo hawl wadeeno ka shaqaynaya ammaanka iyo gurmadka deg deg ah, sidoo kale waxa la sameeyay cusbitaalo iyo goobo caafimaad oo fara badan, waxa dul wareegaya xujaajta tobanaan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo xaalada dusha kala soconaya wixii xaalad soo kordhana gurmad deg deg ah ka gali doona.
Xujaajta ayaa marka ay dhamaystaan istaaga buurta Carafo waxa ay u soo dhaqaaqi doonaan Musdalifa oo ah, rukniga ama mashaacirta sadexaad ee xajka si ay u gaadhaan Jamaraatka ama dhagax tuurka oo maalinta bari ee jimcaha oo ku beegan maalinta koowaad ee ciida Carafo ay ku sugnaan doonaan.
Xujaajta oo galay qaybihii ugu muhiimsanaa waajibaadka xajka waxa ay sanadkan la kulmeen, balaadhin lagu sameeyay goobaha barakaysan, iyo adeeg intii hore ka sahlan oo loo sameeyay, taas oo yaraysay ama meeshaba ka saartay cidhiidhigii iyo saxmadii badnayd ee ka jiri jirtay, marar badana sababi jirtay dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawac badan sababa.
qurbojoog.com