|

SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 3aad

Fursad uma helin Xaaji Cabdi in uu yaraantiisii waxbarasho toos oo iskuul iyo malcaamadeed bilaabo, waayo xilligii uu dhallaanka ahaa dugsiyo waxbarasho iyo malcaamado ma jirin. Barashada aqoontaDiiniga ahna waxa loogu safri jiray Galbeed, gaar ahaan Harar. In uu halkaas gaadhana waxa ka horjoogsaday kaalinta kaga aaddan qoyska. Waxa uu se helay nolol waayo-aragnimo badan, oo samir iyo dulqaad ku carbisay oo ah  reer guuraanimada iyo askarinnimo adayg u saaxiib ah. Cilmigu waa caqli la biirshay. Waxa uu u dhashay indheer-garadnimo iyo aqoon Eebbe abuur ah (Natural), taas oo u saamaxday in uu la tallaabsado aqoonyahanno kala geddisan oo ka qalin-jebiyay jaamacado, malcaamado iyo dugsiyoba.

 

Xaaji Cabdi markii uu kacaamay ee uu noqday dhawr iyo toban sanno jir, waxa uu ku noolaa dhulka Hawdka, oo sannadaha qaarna barwaaqo ahaa, oo roobbanaa, sannadokalena abaar noqon jiray, baabuurna ma uu jirin, oo wax gawaadhi ahi xilligaas may soo gaadhin geyiga, waddooyinka ay baabuurtu maraana may jirin, xagga ganacsigana waxa loo safri jiray  Berbera iyo Bulluxaar oo ahaa magaalooyin ganacsiga caan ku ahaa, wax awr lagu soo qaato mooyaane, ma uu jirin baayac mushtari kale oo socday, waxa jiray niman baayac mushtari ah, oo “Kabadhee” la odhan jiray, oo hawdka Somaliland, dhulka reserved area la yidhaahdo illaa Carro Ogaadeen dhex mari jirey, qaadi jireyna waddo la yidhaahdo “Dhabbo Axmed”, dadka waddadaas qaadi jirey, tijaartana ahaa  waxa ka mid ahaa ganacsadaha caanka ah ee  AHN Jirde Xuseen aabbihii.

 

Xilligaas uu Xaaji Cabdi ku jiray marxalladda Soomaalidu u taqaan “kuray-xoogleha”, ee uu ka yaraa 20 sano, waxa dalka haystay dawladdii Ingiriiska. Waana xilligii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay maamulkii Ingiriiska iyo Jabhaddii daraawiishta ee uu hoggaanka u ahaa Sayid-Maxamed Cabdille Xasan, isaga oo Xaaji Cabdi xog-ogaal u ahaa habkii looga adkaaday Daraawiishta. Kolkii uu Ingiriisku u taag-waayay ka takhalusidda jabhaddaas, waxa uu Xaaji Cabdi sheegay in uu kaalmo weydiistay beelaha Somaliland, oo uu qoys walba ka dalbaday in ay ku caawiyaan laba awr, oo gaadiid ahaan ay u adeegsadaan ciidamadiisu, reeraha diida bixinta awtana si dirqi (khasab) ah ayaa looga qaadayay. Aakhirkiina waxa ay ciidamadaasi jebiyeen Daraawiishta. Isaga oo xusay in markii kowaad ee diyaaradi dalka timaaddaa in ay ahayd markii Ingiriisku soo kaxaystay diyaaradihii dagaalka ee uu ku weeraray jabhaddii Sayid-Maxamed. Kolkii daraawiishta laga adkaaday waxa uu Xaaji Cabdi sheegay in qoys kasta loo celiyay labadii awr ee laga kaxaystay. Reeraha ay labadooda awr ku lumaan dagaalka, waxa uu Ingiriisku magdhaw ahaan u siiyay lacag dhan 100 Rubbi (Rubbigu waa lacagta laga isticmaalo dalalka Hindiya iyo Pakistan). Reerka loo soo celiyo hal awr, awrka labaadna ka hallaabo, waxa magdhaw Ingiriisku u siiyay 50 Rubbi.

 

Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in Daraawiishta ay jebiyeen ciidan uu abaandule u yahay Ina Axmed Baxnaan (Xaaji Waraabe), ciidamadaasna ay ka koobnaayeen beelaha dalka, laakiin ay u badnaayeen beelaha Warsangali, Dhulbahante, Habarjeclo iyo Garaxajis oo u badan deegaanka gobollada bari ee ay Daraawiishtu  fadhiisimada ku lahayd. Sidoo kale waxa uu Xaaji Cabdi xusay in ninka kaliya ee khiyaameeyay Sayid-Maxamed in uu ahaa Suldaan Maxamuud Cali Shire. Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire waxa ay ahaayeen laba nin oo isu seeddi ah, xididna ah. Waxa uu Sayidku guursaday Shubato Cali Shire oo ay Maxamuud walaalo ahaayeen. Maxamuud waxa uu u tegay Sayidka, waxa uu la joogay maalmo, waxaanu u sheegay in uu doonayo in uu beeshii sii rabo, isaga oo codsaday in la siiyo ciidan beesha la soo rara. Sayidku waxa uu sii raaciyay afartan nin oo fardo wata, qoryo sita si ay u sii gelbiyaan. Kolkii uu Maxamuud gaadhay baradiisii, ee uu ciidankii toddobaad sooryeeyay ayuu ku wargeliyay in ay qoryaha dhigaan, fardahana ka degaan, isaga oo u ambabixiyay iyaga oo lug ah beeshii ay ka yimaaddeen, tobankii ninna waxa uu u sii loogay awr uu hilib shiilan uga dhigay oo uu rati ugu raray. Wuxuu ku daray ciidan fardo wata oo sii dhaweeya illaa inta ay beesha uga dhawaanayaan. Kolkii la gelbiyay afartankii nin,  ee ay beeshoodii u dhawaadeen ayaa dib looga soo noqday.

 

Ragga ay gabayada isu-tiriyeen Sayidka waxa uu ka xusay Cali Jaamac Haabiil oo uu Xaaji Cabdi ka marag-furay in uu sameeyay gabayga ay ka mid yihiin:

Muslinnimo ninkaan kugu dhaqayn, muuminnimo khaasa

Gaal maxasta kuu nabad gashood, magansataa dhaama”.

 

Gabaygaas oo uu Sayidku kaga jawaabay:

“Huuraale Cali Jaamac iyo, huluq dameer baa leh”.

 
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.

La Soco Qaybta 4aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

Comments are closed