|

GOORMA, HALKEE, IYO SIDEE, AYAA LOO DOORTAY MURASHAXA MADAXWEYNE EE XUSBIGA NEW UCID?

Waxaa shuruucda xusbiga ucid ka mid ahaan jirtay, (shakhsiga loo doorto gudoomiyaha xusbiga ayuunba u taagan markasta murashaxa madaxweynaha ee xusbiga, halka markaas u ka duwana gudoomiye ku xigeenku ee anu u taagnayn murashaxa madaxweyne ku xigeenka ,ee isaga sharci hoosadku u ogolaa in mar kale laga dhex doorto xusbiga dhexdiisa, cida noqonaysa murashaxa madaxweyne ku xigeenka

Marka aan sidaas ku leeyahay akhriste anigoo oo ah qoraaga soo diyaariyay qormadan, waxaan ka mid ahaa ergadii shirweynihii 2aad ee lagu doortay faysal cali warabe, goobtuna ay ahayd guriga hayada shaqaalaha, inkasto anigu anan kamid ahayn wakhtigaas tageerayaasha xusbiga, hadana waxaan ahaa marti sharaf ka socotay xusbigii wakhtigaas talada hayay ee UDUB,

In yar ka hor intaan gacan taagi bilaabmin ayaa anagoo isla goobtii fadhina ayaa waxaa naloo sheegay, dhamaan dadkii ka soo qayb galay marti sharaf iyo ergaba inaanu codayno halkaas oo faysal cali warabe cod aqlabiyad ah anuu ku dooranay ,

Hadaba hadaan ku soo dhawaado ujeedada qormadaydan ,waxaay tahay sharciga xusbiga ucid maan maqal dib ayaa wax looga badalay (reformed) manan maqal ,shirweyne ayaa lagu doortay Jamaal cali xusseen markaas miyaanay ahayn mid mugdi badan ka muqdo siyaasada ururka new ucid madaama sharcigii hore ee ucid uu ka hor imaanayo qaabka uu u socdo murashaxan cusubi

Mida kale Jamaal cali xuseen miyaanu akhriyin shurucda hadba halka uu ku biirayo, mise odayga waxaa u daran uun in la yidhahdo waa murashaxa madaxweyne, ka dibna kaash waxii uu hayo ayuun buu dib usoo habeeya,

Sida runtiiya anigoon didanayn murashaxnimada Jamaal .laakiin waxaan kula talin lahaa madama uu damac kaga jiro in uu maruun inooo noqdo madaxwyne,

  1. Fadlan adigoo mahasan aqoonyahaan hore ayaad u simbiririxootaye ta danbe iska hubi oo murashaxnimadaada waafaji shuruxda ururka ,

 

  1. Mar labaadka iska akhri shurucda hadba halkaad ku biirayso , iyadoo aan odhan karo arimahaas oo dhan waxa u sababa qurba joognimada

 

  1. Waxaa kaloon ku soo gunaanadayaa, wixii intaas ka danbeeya inuu aqoonyanku iska ilaaliyo inay dhacdo lacag uu wax ku iibsado, waayo hadaan ka mid ahay dadka codka bixiya waxaan ka baqayaa in aay jamaal cali xuseen caado u noqoto, ka dibna uu masiirka umadan maruun uu siisto kaash meel qaldan ka yimi

 

Qaliinkii;. Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)

Comments are closed