|

Xaglotoosiye:Weli waxaan ahayhogaamiyaha SSC

Hargeysa Oct 22,2012(SDN)-Hogaamiyihii jabhada SSC ee dhawaanta nabada qaatay ayaa manta xaflad uu xilka wasiirnimo ee loo magacaabay kula wareegayay waxa uu ka sheegay in weli uu yahay hogaamiyaha jabhadii SSC.

Wasiirka wasaarada Dib u dejinta Somaliland Md Saleebaan Axmed Ciie Xaglotoosiye ayaa khudbad uu munaasibada xil la wareegidiisa ka jeediyay waxa uu ku yiri;“Waxaan ku bogaadinayaa Wasiirkii hore ee dib u dejinta ahna Wasiirka Cusub ee Warshadaha oo aan ku bogaadinayo sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyay.

Waxaan isagana ugu hambalyeynayaa jagada cusub ee loo magacaabay oo aan waliba Illaahay uga baryayo maadaama oo ay tahay Wasaarad cusub inuu u fududeeyo.

Waxaan shaqaalaha wasaaradda dib u dejinta ka codsanayaa inay iila shaqeeyaan sidii ay ula shaqeeyeen Wasiirkii hore. Waxaan balan-qaadayaa inaan hawlaha wasaaradda ka soo bixi doono.

Anigu Hoggaamiyihii SSC ayaan ahaa, walina waan ahay. Wasiir Somaliland ah baan noqday, bulshada Somaliland oo dhan baan Wasiir u ahay. nabadooda, horumarkooda iyo midnimadoodana waan ka shaqeynayaa.

Waxase aan u sheegayaa deegaammaddii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqnahay oo aan dedaal weyn u geli doono haddii ILAAHAY ka dhigo sidii nabadda loo xoojin lahaa, sidii horumarka looga shaqayn lahaa iyo sidii isbedel looga dhalin lahaa deegaamadaasi.

Bulshada deegaamadayda shalay Hoggaamiyahoodii baan ahaa maantana Hoggaamiyahoodii ayaan ahay. Tabashooyin badani way jiraan oo way soo gudbisteen dawladuna way balan qaaday inay fulinayso. Waanan ka shaqaynayaa tabashooyinkaasi iyo waxyaabahaasi ay soo gudbiyeen in la hirgeliyo.” ayuu yiri wasiir Xaglotoosiye.

Munaasibada oo ka dhacday aqalka Shaqaalaha dawlada ee Hargeysa ayaa waxa goobjoog ku ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Gole, wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, gaashaandhiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kalluumaysiga, Hawlaha Guud, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland , Salaadiin, waxgarad iyo dadweyne faro badan. Wasaaradda Dib u dejinta.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed