|

Hargeysa: Madaxweyne Siilaanyo muxuu kala soo laabtay socdaalkiisii Berbera?

Hargeysa 22, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu socdaal laba maalmood qaatay ku tegay magaalo-xeebeeda Berbera.

Madaxweynaha oo shalay socdaal ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa uu maanta iyo subaxnimadii hore ee saaka magaalada Berbera xadhiga kaga jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay.

Mashaariicda uu Madaxweynuhu maanta xadhiga ka jaray ee Berbera wax aka mid ah; dhismeyaal cusub oo loo dhisay waaxda Cashuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda ee magaaladaas, dhisme waaxda Kastamka wasaaradda Maaliyaddu ay madaarka Berbera ka dhistay iyo xarun cusub oo loo dhisay xafiiska wasaaradda Waxbarashada gobolka ee Saaxil.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay mashaariicda laga hirgeliyay gobolkaas, waxaanu talooyin u jeediyay masuuliyiinta laamaha dawladda, gaar ahaan hay’addaha dhismeyaasha loo dhisay ee laamaha gobolka Saaxil.

Intaa ka dib, waxa uu booqday dugsiga sare ee Bursade ee magaalada Berbera oo ardaydiisu sanadkan imtixaankii shahaadiga ahaa ka galeen kaalmaha hore ka dib markii 17 arday oo dugsigaasi ka tirsani ay markii u horeysay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay gaadheen derajada A-da.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen, wasiirada Madaxtooyada, Daakhiliga, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo taliyaha ciidanka Booliska, marwada koowaad iyo masuuliyiin kale, waxa uu maanta duhurkii ku soo laabtay caasimadda dalka, iyadoo si wayn loo adkeeyay amaanka jidadka markii uu magaalada ku soo laabanayay, iyadoo jidadka caasimadda la dhigay ciidamo tiro badan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed