|

Qalabkii Codbixinta Doorashada oo Komishanku Ka Doonay London

Hargeysa Oct 17,2012(SDN/Hubaal) C/raxmaan Maxamed Ismaaciil iyo Faarax Abiib Aadan oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku sugan Dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka soo qaadayaan Qalabkii Doorashada Dawladdaha Hoose lagu gali lahaa oo la dhamaystiray.

C/raxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood oo ku sugnaa xarunta Shirkadda samaysay qalabka Doorashada oo ku taala Barriga London ayaa  sheegay in ay dalkaa u tegeen sidii ay qalabkii Doorashada lagu gali lahaa u soo qaadi lahaayeen, waxaanu xusay in xarunta qalabakaasi lagu diyaariyay oo ah mid aad u balaadhan uu ka dul ba banayo Calanka Somaliland, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta ay kala kulmeen.

“ waxaanu joognaa East born oo ah magaalo dhacda Barriga Londan, waxaanu ku sugan nahay xarunta lagu daabacayo qalabkii lagu codayn lahaa oo dhan, muddo sadex cisho ah ayaanu  ku sugnayn markaa hawshii baanu ku dhex jirnaa, waxaananu aad ugu farax sanahay Xarunta aanu joogno oo ah meel Caalami ah waxa ka dul ba’ banaya Calanka Somaliland” ayuu yidhi Dixood.

Labada Xubnood ee Komishanka waxa Socdaalkooda ku wehelinaya La taliayaha Dhinaca Sharciga ee Komishanka Doorashooyinka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda qalabkaasi soo qaadaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed