Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timi allaha u naxariistee Gudoomiye ku-xigeenkii Wadani
Hargeysa Oct 16,2012(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta la heyd ee ku timi Allaha u Naxariistee Guddoomiyihii 3aad ee urur siyaasadeedka Wadani Marxuum Cabdilahi Siciid dheere.
Sidaana waxa madaxweynuhu uu ku sheegay dhanbaal uu ka soo saarat caawa fiidkii qasriga madaxtooyada dalka oo sidan u qoraa;
“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani ALLA ha u naxariistee CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland,
wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimu-quraadiyada ee Somaliland ka hana qaaday.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”