War degdeg ah: Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee ururka Wadani Cabdullaahi Siciid Dheere oo ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay jidka Hargeysa iyo Berbera
Hargeysa 16, October 2012 (SDN)- Alle ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku geeriyooday guddoomiye kuxigeenka 3aad ee urur-siyaasadeedka Wadani marxuum Cabdullaahi Siciid Ismaaciil (Dheere).
Shilkaas baabuur oo ka dhacay agagaarka tuulada Abdaal ee jidka xidhiidhiya Hargeysa iyo Berbera, waxa kale oo ku dhaawacmay guddoomiye kuxigeenka 4aad ee ururkaas Cabdi Raygal Beegsi iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed Muuse oo ka tirsan golaha Wakiilada, kana mid ah guddiga Fulinta ururka Wadani.
Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay dhacdadaas, waxa uu ka dhashay markii uu gedoomay baabuurkii ay la socdeen, xilli ay ku sii jeedeen soo-dhawaynta guddoomiyaha ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ka soo degayay Madaarka Berbera, kana soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Ingiriiska.
Marxuum Cabdullaahi Siciid-dheere, waxa uu geeriyooday galabta intii uu jidka ku soo jiray, loona soo waday cusbatalka Hargeysa, waxaana la sheegay in naftu kaga baxday agagaarka tuulada Aw-Barkhadle oo ilaa 30 Km dhinaca bari kaga beegan caasimadda.
Siday loo xaqiijiyay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa waxyar ka hor maydka marxuumka la dhigay qolka maydka cusbatalka guud ee Hargeysa, halka dhaawaca masuuliyiintana lagu dabiibayo cusbatalkaas.
Sida la sheegay waxa uu dhaawac culusi soo gaadhay Xil. Cali Xaaji Maxamed, halka guddoomiye ku-xigeenka 4aad ee Wadani Cabdi Raygal uu dhaawac fududi soo gaadhay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com