Somaliland: Hay’ad Caalami ah oo Shaqo ay Baahisay Ku Xidhay Sharci Dhaawacaya Sharafta Islaamka
Hargeysa Oct 16,2012 (SDN/Hubaal)- Hay’adda Caalamiga ah ee World Vision oo kamid ah Hay’addaha Ajenebiga ah ee ka hawl gala Somaliland ayaa shaqo ay baahisay oo ka banaan xafiiskeeda Hargeysa, waxa ay shuruud kaga dhigtay in qofka soo dalbanayaa uu yahay mid aaminsan diin ta Kiristaanka.
Jagadaas oo ah Xisaabiye sare oo waayo arag ah oo fadhigiisu noqonayo Hargeysa, balse ka hawl geli doono Puntland, Doollow iyo Somaliland, halkaas oo uu kala soconayo sida ay yihiin nidaamka xisaabaadka ee hay’addu, isagoo isla markaana ka taageeri doona wixii toosin iyo tusaalooyin ah ee la xidhiidha xisaabaadka hay’adda ee ka jira saddexda meelood ee ku xusan.
Sida lagu baahiyey barta internetka ee ay ha’addan baahinta jagadan looga baahan yahay xafiiskeeda hargeysa ayaa qofka qabanaya waxa shuruudaha lagu qaadanyo kamid ah qoddob aan hore Hay’adduhu ugu soo dari jirin wadamada muslimka ah, kaas oo ah inuu aaminsan yahay kana go’an tahay diinta kiristaanku.
Baahinta jagooyinka ka banaan xafiisyadda Hay’addaha caalamiga iyo kuwa qaramada midoobay ee xarumahoodu ku yaallaan Somaliland waxa ay dhaawac ku tahay sharafta qofka muslimka ah iyo karaamada diintiisa Islaamka, waxaana ay lid ku tahay xaqa ay Muwaadiniinta dalkan JSL u leeyihiin inay ka shaqeeyaan Hay’adahaas, cid kale oo laga horeysiin karaana ma jirto tan iyo inta dalka laga helayo muwaadin buuxin kara jagooyinka shaqo ee banaan ee uu buuxin karo shuruudaha aqooneed uu ku xidhan.
Arrintan World Vision la shir timi waa mid ugub ku ah shuruudaha had iyo goor lagu xidho jago kasta oo loo baahiyo muwaadiniinta maadaama oo fursaddaasi tahay mid looga baahan yahay dalkooda, hase yeeshee waxa haatan loo soo qaddimay muwaadiniintii shardi kamid ah shuruudaha oo ah in qofka jagada soo doonanayaa uu ahaado mid aaminsan diinta Kiristaanka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com