|

Kumuu ahaa Kwama Nkrumah?

Accra Oct 15,2012(SDN)-Marka xagga siyaasadda laga eego Dr. Kwama Nkrumah waxa uu qaatay siyaasaddii dhexdhexaadnimada, haseyeeshee marka loo eego habka nidaamkiisii dhaqaale iyo hoggaamineed ee bulshadiisa waxa uu ku saleysnaa ka Shuuciyadda, inkastoo marka dib loo raaco qoaraalladiisii uu iska fogeyn jiray inuu yahay  nin Shuuci ah.

Nidaamkaa uu qaatay waxa uu ku tilmaami jiray Dr. Kwama Nkrumah mid u wanaagsan dadka Afrikaanka ah, isagoo aaminsanaa in kelidaa oo aad hanti badan keydsataa ka wanaagsan tahay, iyadoo uu dadku ka wada baahi la’yahay ugu yaraan waxyaabaha aasaaska u aha nolosha.

Kwama Nkrumah waxa uu ku doodi jiray in nidaamka Hanti-wadaaggu uu yahay ka ugu fiican ee isbeddel ku sameyn kara  nidaamka Hanti-goosiga (Capitalism) ee Afrika loo soo waariday, iyadoo aan laga tageyn ayuu yidhi Dr. Kwama Nkrumah, qiyamka iyo dhaqanka ay leeyihiin dadyawga Qaaradda Afrika.

Arrimahaa ayaa uu inta badan liishaanka saari jiray oo uu ka jeedinayey fagaarayaashii lagu kulmi jiray ee Afrika ama caalamka kaleba sida ku xusan qoraalkiisa 1967-kii ee uu cinwaanka uga dhigay “African Socialism Revisited.”

Ka hor intii aanay labadii quwadood ee dunida ee Bariga iyo Galbeedku kala bililiqeysan dalalkii ku bahoobay siyaasadda ka dhanka labadaa dhinac, ayaa waxa dalka Saambiya (Zambia) ku dheggan boodh weyn hal-ku-dheg uu lahaa Dr. Kwama Nkrumah oo ka mid ah kuwii faraha badnaa ee uu fagaarayaasha ka jeedin jiray, kaasoo ah “U jeesan meyno Bari iyo Galbeed midna ee hore ayaan u soconaynaa.” “We face neither East nor west, we face forward.”

“Nidaamka dhaqan dhaqaale ee Afrikaanku waxa uu ku dhisan yahay mabaadi’da keli-kelida (qoys-qoys), marka si dhab ah loo darso habka ay u hawlgalaan, taasoo u keentay dib-u-dhac xagga horumarka ah.” Sidaa waxa yidhi Dr. Kwama Nkrumah mar uu u qiil banneynayey fikirkiisii ku saleysnaa nidaamka Hanti-wadaag ee wax wada lahaanshaha.

Waxa kaloo uu si aad ah u naqdi jiray, kuna tilmaami jiray mid ka baxsan bani’aadanimada in qofku naftiisa oo qudha uu wax la doono, sidaa awgeed waxa uu mas’uuliyiinta iyo bulshada kaleba ugu baaqi jiray in la soo afjaro fikraddaa anaaninimada ah ee caadada u noqotay bulshada Afrika min Madax ilaa Minjo, laguna beddelo in dadku u wada helaan fursadaha si siman, taas oo naftiisa ku hormarin karo qof walba.

Waxa uu Dr. Kwama Nkrumah si xoog leh uga soo horjeeday qaabka isku dul noolaanshaha ee ka jiray Afrika, waxana markii dembe fikradihiisa taageeray Madaxweynihii dalka Tansaaniya J. Nyerere oo ka hirgeliyey dalkiisa nidaamii Hani-wanaagga Afrika.

Intii uu Dr. Kwama Nkrumah ku guda jiray socodsiinta fikradihii uu aaminsanaa ee u janjeedhay xagga bidix, waxa uu si faahfaahsan uga warramay, waxna uga qoray in Gumeysigii ka hor aanu Qaaradda Afrika dhexdeeda ka jirin waxa loo yaqaan halganka dabaqadda “Class Struggle,” haseyeeshee ay Gumeystayaashii u soo dhoofiyeen fikraddaasi, iyagoo u isticmaalay si ku saleysan danahooda oo kaliya, balse aanay xataa ugu dhaqan gelin Afrkia qaabkii sida sax ah uga tarjumeyey nidaamkooda “Class Struggle” ka ah. La soco…

SDN-Accra

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed