|

Dhacdo murugo leh: Laba wiil oo qoys danyar ah ka dhashay oo ku nafwaayay Dab gurigooda ka kacay!!

Hargeysa 15, October 2012 (SDN)- Laba carruur ah oo walaalo ah, kana dhashay qoys danyar ah, ayaa ku naf-waayay dab ka kacay gurigooda ku yaala caasimadda Hargeysa.

Laba wiil oo da’dooda lagu sheegay inay 5 jir iyo 3 jir walaalo ah ahaayeen, waxa ay ku shuf-beeleen dab Sabtidii doraad ka kacay gurigooda oo buul (cooshad) ka samaysan, kuna yaala xaafadda Sheekh Madar.

Siday saaka boggagooda hore ku daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, shilkaa naxdinta lihi waxa uu dhacay ilaa 01:30 duhurnimo ee Sabtidii todobaadkan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in labada wiil oo la kala odhan jiray Caydaruus Maxamed iyo Cabdirashiid Maxamed, maydadkooda oo qalfoof ah ka dhigay qolka Maydka ee cusbatalka guud ee Hargeysa.

Lama sheegin sida uu dabkaasi ku dhashay, iyadoo bulshada gurigaas deriska la ahi aanay ku guulaysan inay bakhtiiyaan dabkaas, halka Dab-damis ay dawladda Hoose leedahayna uu xilli dambe gaadhay goobtaas, sida la sheegay.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa sii kordhayay khasaaraha ka dhasha masiibada dabka ee magaalooyinka waawayn ee Somaliland, iyadoo aan weli xal loo helin abuurista gurmad Dab-damis, isla markaana aanu jirin qorshe ay xukuumaddu u dejisay xal-u-helida dhibaatadan soo noqnoqota.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed