Ciidamada dalka Murutaaniya oo toogtay Madaxweynaha dalkaas
Nouakchott Oct 14,2012(SDN)-Ciidamada dalka Murutaaniya ayaa xalay fiidkii raas ku furay kolonyo gawaari ah oo gelbinayay madaxweynaha dalkaas Maxamuud Ould Cabdicasiis.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu dib ugu noqonayay caasimada dalkaas kolkii ay ciidamadu rasaaseeyeen madaxweynaha.
War ay soo saartay xukuumada dalkaasi ayaa lagu shegay in toogashada madaxweynaha ay aheyd mid si kama ku dhacday oo aan madaxweynaha la bartilmaansan.
Madaxweynaha ayaa haatan lagu daweynaya mid ka mida cusbitaalada ciidamada dalkaasi.
Madaxweyne Maxamuud Cabdicasiis ayaa xilka maroorsaday sanadii 2008dii ka dibna doorasho ku qabtay xilka 2009kii.
Balse beesha caalamka ayaa u aragta in xukuumada Muritaaniya ay tahay mid ciidan xilka maroorsaday.
SDN-Nouakchott
contact@somalidiasporanews.com