|

Dawlada cusub ee Soomaaliya oo dib u eegid ku sameyneysa Hashiisyada Shidaal baarida Somaliland iyo Puntland

Muqdisho Oct 13,2012(SDN)-Warbixin ay daabacday barta Internetka ee Reuters ayaa lagu eegay suurtogalnimada in dawlada cusub ee Soomaaliya ay meesha ka saarto dhamaan heshiisyada shidaal baarid ee la sexiixay intii ka danbeysay 1991kii.

Mid ka mida la taliyeyaasha wasaarada Tamarta ee Soomaaliya Cabdulahi Xeydar ayaa Reuters u sheegay in dawlada cusubi aqbeli doonin heshiisyadii ka danbeeyay 1991kii.

Dawladihii Soomaaliya ee 1991dii ka horeeyay ayaa heshiis shidaal baarid ah la galay shirkadaha Shell,Bp iyo Chevron.

Dawladihii KMG ahaa,maamul goboleedka Puntland iyo dawladihii kal danbeeyay ee Somaliland ayaa heshiisyo gaar gaara la sexeeday shirkado shidaal baaria haatan wada.

Shirkadaha African Oil iyo Horn Petroleum oo haatan shidaal baarid ka wada maamul goboleedka Puntland iyo Somaliland ayaa qaba in aaney wax saameyn ah ku yeelan doonin hawshooda isbedelka Muqdisho ka dhacay.

“Hadaanu nahay Horn Petroleum iyo Africa Oil waxaan qabnaa in heshiisyadeenu sidooda ahaan doonaan” sidaa waxa sheegay madaxa shirakadaahaas ee Keith Hill.

Si kastaba ha ahaatee dawlad Soomaaliya ka dhalataahi waxa ay isweydiin ka keeni kartaa heshiisyadii iyada ka horeeyay oo idil.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed