|

Cilaaqaadkii Turkiga iyo Ruushka oo burbur qarka u saaran

Moscow Oct 13,2012(SDN)-Cilaaqaadka labada dal ee Turkiga iyo Ruushka ayaa sii xumaanaya maalinba maalinta ka danbeysa,ka dib kolkii dhawaan Turkigu fadhiisiyeen Duyuurad Syria laga leeyahay oo hawadooda mareysa isla markaana ka soo duushay Ruushka.

Turkiga ayaa sheegay in Duyuuradu ay siday hub ay dawlada Syria damacsaneyd in ay kula dagaalanto mucaaridka ka soo horjeeda.

Moscow ayaa sheegashada Dyuuradu in ay hub siday waxba kama jiraan ku tilmaantay isla markaana cadeymo dalbatay.

Cilaaqaadka labada dal ayaa hore u xumaa,Ruushku waxa uu garabtaagan yahay dawlada Syria halka Turkigu uu taageero mucaaridka.

Sidoo kale dawlada Turkiga ayaa todobaadkan dhawr jeer ay dawlada Syria ay is weydaarsadeen madaafiic.

SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed