|

Mid ka mda Jilaayada filmka aflagaadeeyay Islamka oo dacwad ku soo oogtay You Tube

Los Angeles Sept20,2012(SDN)-Gabadh ka mida jilaayada film Mareykanka lagu sameeyay oo aflaagaadeynaya diinta suuban ee Islamka ayaa dacwad ku soo oogtay Soo-saarihii filmka iyo barta Internetka You Tube.

Cindy Lee Garcia ayaa maanta qareenkeedu dacwada uu u guddbiyay maxkamad ku taal magaalada Los Angeles oo ah xarunta filmada Mareykanka lagu sameeyo.

“Ujjeedada dacwadeenu ma ah weerar aanu ku qaadeyno xoriyatul qawlka,balse waa diidmo aanu kuu jineyno sida aynaan raaliga uga aheyn in lagu xadgubo rabitaanka Cindy ee ku wejahan in la marin habaabiyay ujjeedadii filmka”ayuu yiri qareenka Cindy Lee Garcia.

Gabadha jilaaga ah ayaa sheegtay in filmk loogu sheegay in uu yahay mid diin aan shaqo ku leheyn,balse kolkii danbe dusha looga duubay hadalo lidi ku ah diinta Islamka.

Filmka ayaa cadho weyn ay ka muujiyeen Musliimka caalamka oo dibed baxyo rabshado ka dhashay ka dhigaay in ka badan 15 dal oo caalamka ku yaal.

Barta Internetka ee You Tube ayaa ku adkeysatay in filmka aaney hawada ka saareyn,taas oo ka cadheysiisay dad badan oo filmka u arka mid aan daawashadiisu munaasib aheyn.

SDN-Los Angeles

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed