|

Madaxweynaha Puntland tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Qunsulkii Soomaaliya Kiinya u fadhiyay

Garoowe Sept 19,2012(SDN)-Madaxweynaha Puntland Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa umadda ka tacsiyadeyay geeridii naxdinta leheyd ee ku timi Qunsuulkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kiinya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kiinya.

Qoraalka tacsida madaxweynaha oo na soo gaadhay nuqul ka mida ayaa waxa uu u dhignaa sidan;

“inaa Lilaahi waa innaa Ilayhi Raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga , Dowlada Puntland iyo Magaca shacabka waxaan Tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaan ILAAHAY Subxanahuu Wa’tacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Janadii Firdowsa, samir iyo iimaan-na ka siiyo dhammaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Aamin”.

Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole)

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Comments are closed