|

Mucaaridka UCID iyo Garoodi oo sawirada Itoobiyanka uga gudbay kuwa hablaha Muritaaniya(Cadeyn)

Hargeysa Sept 19,2012(SDN)-Mucaaradada daaha dabadiisa ee beryahan danbe ku soo badanaysay saxaafada ayaa gaadhay heerkii ugu hooseesay ka dib kolkii halkii laga sii waday isticmaalka qoraalo iyo sawiro been abuura oo qaar ka mida warbaahinta Somaliland ay si badheedha u curiyeen una baahiyeen.

Qoraaladan ay ku ladhan yihiin sawirada,magacyada iyo xilalka been abuurka ah ayaa lagu bartilmaasaday ururada Gaaroodi iyo UCID markii labaad todobaad gudihii.

Ururka Gaaroodi oo ah mid dhanka samafalka ku caana ayaa xilal iyo shaqsiyaad aan ka mid aheyni si fudud saxaafadu ugu baahisay qoraalo fadhi ku dirira oo ururka hore u sheegay in aaney ka soo bixin masuuliyiintiisa.

Qoraalada Gaaroodi hore u shaaciyeen ee been abuurka ay isaga beriyeeleen ayaa lagu daabacay bogaha internetka ee haatan mar kale daabacay dacaayadaha.

“MEYD KEE U DANBEEYAY KAA LA SII SIDO”

Warbaahinta badheedhay ayaa maantana soo dhigay sawir gabadh sheegatay in ay ka mid tahay ururka Gaaroodi oo markaa taageertay in lagu mudaharaado  musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen.

Sawirka gabadha la soo dhigay ayaanba aheyn Soomaali,gabadha sawirkeeda la isticmaalay ayaa u dhalatay dalka mauritania.

Houda waxa ay ku caanbaxday mar ay Oprah Winfrey uga warantay sida raga dalkaasi u arkaan dumar buurbuuran.

GUJI SAWIRKA HOUDA SI AAD UGA BOGATO CIDA AY TAHAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Khalad kuma jiro in ururada lagula xisaabtamo waxqabad la’aan ama masuuliyad daro,balse waxa saxaafada ka reeban in ay daraf ka noqoto xifaaltanka siyaasadeed ee dalka oo ay curiso dacaayado badheedha oo been abuura.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed