|

Haween Soomaali ah oo u mahad-celisey Ururka Laan-Qayrta Cas ee Ingiriiska kadib markii ay heleen hooyadeeda

London Sept 18,2012(SDN)-Amuun Mohamoud oo ah inan labo carruur dhashey waxay u mahad-celisey Ururka Laan-Qayrta Cas ee Ingiriiska ka dib markii ay shirkadda samafalka u raadiyeen iyo la xiriiriiyeen hooyadeeda.

Amuun waxay u tegtey Laan-Qayrta Cas iyo ka codsatey inay ku caawiyaan raadinta hooyadeeda, Zara, oo goorta ugu dambeeya ku aragtey xiro qaxooti ku yaalo meel u dhow Mombasa, dalka Kenya. Ka dib markii ay si iskaashato ah isla shaqeyeen Laan- Qayrta Cas ee Kenya iyo adeegga baafinta iyo farriin-bixinta caalamka (ITMS) waxay awoodey inay hesho Zara, hooyada iyo inanteeda iminka way isla xiriiraan.

Amuun, 41, oo degan Walsall, waxay tiri “Ka dib markii aniga iyo hooyadeyda kala dhuney, waxaan dhab ahaan u maleynaayey inay dhimatey. Laan-Qayrta Cas ayaa adeeg aad u fiican ii qabtey iyo ii helay. Ereyo laguma sharxi karo waxa aan dareemey markii an ogaadey inay weli nooleed.”

Sheekada niyaad-jabka leh ee Amuun wuxuu bilaabmey markii ay eheed 21 jir, iyo dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya ku qasbey in ayada, hooyadeeda Zara, aabeheeda Hussein iyo walaalkeeda Ohamoud u baxsadaan dalka deriska ah ee Kenya.

Sagaal sano ayeey ku noolaayeen xiro qaxooti ilaa ay lacag ku filan heleen ka dib markii ay iibiyeen dahabka iyo hantida qoyska si ay u iibsadaan labo tikidh diyaarad lagu dhoofo dalka Ingiriiska. Waalidkeeda waxay go’aamiyeen in qoyska la kala gooyo. Amuun waxay la safartey aabeheeda, iyo waxay xirada ku dhaaftey wiilkeeda seddax sano jirka Zakary, hooyadeeda iyo walaalkeeda.

Inkastoo Zakary, oo iminka ah 14 jir ku soo biirey dhowr sano ka dib, Amuun aad ayeey u rabtey inay hooyadeeda aragto. Nasiib xumo waxay kala lumeen sanadka 2004, markii ay Zara ku laabatey Soomaaliya ayadoo meel laga raadiyo la ogeen.

Ayadoo u maleyso in hooyadeeda dhimatey Amuun waxay nolol ka bilowdey dalka UK, waxay baratey luqada Ingiriiska, waxay u guurtey Walsall iyo halkaas ayeey ku dhashey cunug kale oo seddax jir ah ee lagu magacaabo Amina.

Laakiin sanadka 2007 qof ay saaxiib yihiin ayaa u sheegey in Zara lagu soo arkey xaflad aroos lagu qabtey dalka Soomaaliya. Amuun waxay rajeysey inay hooyadeeda mar labaad aragto, laakiin ma ayasna ogeen qofka ay la xiriiri karto sidii arrintaan lagu caawiyo.

Sanadka 2011, kadib markii saxiib kula taliyey, Amuun waxay u tegtey kooxda ITMS ee Laan-Qayrta Cas ku taalo Birmingham oo isla markiiba arrinteeda gacanta ku qabtey. Siddeed bilood ka dib waxay awoodeen inay Amuun siiyaan warar casri ah ee farxad leh – hooyadeeda ayeey heleen, oo weliba nool iyo caafimaad-qab ah iyo qof ay saaxib yihiin la nool magaalada Mombasa.

“Isla markiiba guriga ayaan tegey waxaana soo iibsadey kaadhka telefoonka sidii aan hooyo u waco,” ayeey tiri Amuun.

“Way aamini waysey inaan aniga ahaa qofka la hadlaayey. Waxay u maleysey inaan dhintey anigana waxaan u maleynaayey inay ayada dhimatey, labadeena aad iyo aad ayaan oyney. Waxyaabo badan ayaan u bahneen inaan ka wada hadalno – hooyo xittaa ma aysan ogeen inay cunug kale ayeeyo u noqotey.”

Iminka Zara, 59, iyo Amuun si joogto ayeey telefoonka ku xiriiraan.

Nev Jefferies, madaxa adeegga baafinta iyo farriin-bixinta caalamka (ITMS), wuxuu yiri: “Aad ayaan ugu farxey inaan awoodney inaan caawino Amuun iyo qoyskeeda. Waxaan si soke la shaqeyney dadka nala shaqeeyo ee joogo London iyo Kenya si loo helo hooyadeeda, waana dareen fiican markii natiijo fiican la helo.”

“Sanadka la soo dhaafey, waxaan helney 283 qofood, iyo iminka waxaan isku dayney inaan raadino qaraabada 1,319 qoysas oo kala degan waddamo ku yaalo dunida, ay ku jirto: Afghanistan, Eritrea, Soomaalia, iyo Iraaq.”

Wuxuu ku darey: ”Laan-Qayrta Cas, kani waa maalin aan ku muujin karno inaan niyadda ku haayno qoysaska ee weli sanad kale war ka sugaayo daka ay kala dhumeen.

Qaarad walba, iyo xittaa halkaan dalka Ingiriiska, dadka waxay u baahan yihiin inay la noolaadaan xanuunka kala tegga iyo ogaansho la’aanta – kani waa fursadeena aan  baafin siino dadka u baahan caawinaaddeena.”

Dalka oo dhan, Laan-Qayrta Cas waxay maanta ka sameyneysaa dhacdooyin ayagoo ku bixinaayo qalabyo yar ee buugaagta la geliyo iyo u eg ubaxa ‘forget-me-not (ha-i-hilaamin)’ si lagu xasuusto dadka weli la waaysan yahay.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir redcross.org.uk/dayofthedisappeared

Comments are closed