|

Kabul: Qarax haweenay fulisay, jawaabna looga dhigay Filimka aflegaadada ah oo galaaftay shaqaale ajaanib ah iyo kuwo Afgaanistaaniyiin ah iyo dawladda Koonfur Afrika oo ka hadashay

Kabul September 18, 2012 (SDN)- Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay meel u dhow caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kaabuul.

Siday ku warantay qaybta afka Ingiriisida ee VOA, qaraxan waxa lala eegtay baabuur nooca yaryar ah oo ay saarnaayeen dad ajaanib ahi.

Siday Boolisku sheegeen, 9 shaqaale ajaanib ah, dirawalkoodii oo u dhashay Afghanistan iyo laba kale oo muwaadiniinta dalkaas ka tirsanaa, ayaa ku dhintay qaraxaas, ka dib markii baabuur walxo qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay baskoodii oo Salaasada maanta marayay jidka caasimadda Kabul ku xidha madaarka magaaladaas.

Wasaaradda Khaarajiga Koonfur Afrika, waxay xaqiijisay in 8 ka mid ah dadka dhintay ay u dhasheen dalka South Africa.

Kooxda reer Afgaanistaan ee Hezb-e-Islami, ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, kaasoo ay sheegeen inay u direen haweenay ismiidaamisay, si ay uga jawaabaan filimka lagu aflegaadeeyay Nabi Muxamed (NNKHA), kaasoo abuuray dibad-baxyo sii kordhaya oo ka socda dalal ka tirsan Caalamka oo dhan oo ay ku jirto Afgaanistaan.

51 ka mid ah ciidanka caalamiga ah ee NATO ee ku sugan Afgaanistaan, ayaa lagu dilay ilaa 30 weerar oo ka dhacay gudaha dalkaas.

Qurbejoog.com, Kabul

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed