afhayeenka komishanka doorashooyinka oosheegay inaanay deeq bixiyayaashu bixinayan dhaqaalaha muraaqibiinta
Hargeisa-Sept 18, 2012. Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa ka hadlay labada Xi lee uu isku hayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ah Guddoomiyanimadda Golaha Wakiiladda iyo Ururka Waddani tas oo ay qaarkamid ah ururada siyaasadu ka bixiyeen cudurdaar
Afhayeenka oo la waydiiyay kharashkii ku bixi jiray muraaqibiinta Axsaabta sababta ay qaadhaan-bixiyayaashu u joojiyeen ayaa waxa uu yidhi “Waxay yidhaahdeen ururadii way bateen mana aha in mar walba masaasad afka loogu hayo ee waa inay helaan bay yidhaahdeen Axsaabta dad dhaqaale ku caawiya ama dad mutadawiciin ah, sidaa darteed xisbi iyo urur waliba iyagaa isdabaraya oo muraaqibiintooda ku filaanaya”
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka oo la waydiiyay sida ay uga dhabaynayaan in doorashada deegaanada ay ku qaban karaan maalinta ay u mudeeyeen ee 28-ka November 2012-ka waxa uu yidhi “Qorshahayaga qabsoomida doorashadu wuu noo socdaa, wax caqabad ahi inay ku timaadana ma filayno, dhaqaalihii doorashada ku baxayayna wuu noo dhamaystiran yahay”