|

Taageerayaashii Maxamed Kaahin iyo Cali Mareexaan oo Hadh Cad ka Dhaqaaqay KULMIYE Iskuna Shubay UCID

Burco Sept 18,2012(SDN/Hubaal)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa habeenkii Xalay Xaflad u sameeyay Taageerayaal hor leh oo hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE kuwaasi oo shaaciyay inay si rasmi ah ugu soo biireen Xisbiga Caddaalada iyo daryeelka. Taageerayaashan oo ka soo jeeda  beesha bariga Burco gaar ahaan deegaanadda Balli-dhiig, Qoryaale iyo War Cimraan ayaa xalay Munaasibad  Xisbiga UCID ugu qabtay Hotel-ka Cigaal ee magaalada Burco waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Xisbigaas iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan ayaa dhinaca kale Xisbigu ku soo bandhigay Murrashaxiinta 21 xubnood oo ay u soo xuleen inay uga qayb galaan doorashada deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto.  Khudbaddo ay halkaasi ka jeediyeen Murrashaxa Madaxweynaha UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa ay mahadnaq u jeediyeen  Beelaha Deegaamada Ballidhiig,War Cimraan iyo Qoriyaale oo ah kuwa xalay taageerayaashoodu ku soo biireen.

Taageerayaashan  ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo Xisbiga KULMIYE si weyn u taageeri jiray waqtigii uu mucaaradka ahaa iyo intii dambe ee xukuumadda haatan jirtaa talada haysay iyagoo ka soo jeeda beesha bariga Burco, gaar ahaana ay  yihiin raasaska ay ka dhasheen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xidhibaan Cali Xasan Mareexaan iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Bootaan, kuwaas oo gebi ahaanba ka soo jeeda beesha bariga Burco.

SDN/Hubaal-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed