|

Maayar Jiciir oo Isagoo Ilmada Yaxaaska Daadinaya Sheegay Inaan Dhulkii Dawladu Gacanta Ugu Jirin

Hargeysa Sept 18,2012 (SDN/Hubaal)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa sheegay in dhibaatada ka timaadda dhulka ay tahay mid ka wada jirta dalka oo dhan, waxaanu dawladda ugu baaqay inay sharciga dhulka wax-ka-beddesho oo ay gacanta ku qabato.

Maayarka Caasimadda Xuseen Maxamuud Jiciir oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad Madaxweynuhu ku dhagax-dhigay Xarun loo dhisayo Agoomaha oo ku baxaysa $3 Milayn, taas oo ay hirgelinayso Dawladda Kuweyt, ayaa sidoo kale sheegay in nidaam loo sameeyo Sharciga Dhulka.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu hadaladiisii ka mid ahaa, “Dhibaatada dhulku waa mid dalkeena oo dhan ka jirta, dhibaatadaas-na waxaan odhan lahaa dawladdu waa inay Sharciga Dhulka wax weyn laga beddelo, waayo Distoorkeena waxa ku qoran Dhulka waxa leh dawladda, haseyeeshee taasi ma dhacddo, waxa la odhanayaa 30% ha laga qaado dadkii, 30%-baad sheegaysaaye dadkani dhulkan wey ku mameenoo %10 ma oggola, dhibaatoon badan bay sheegaan oo kanaa agoon ah, kanaa soo dhintay intan yar waxaanu ku leennahay 100 Reer, runtiina Dadku wey wada dhibaataysan yihiin, laakiin Sharciga sida inoogu qoran waa inuu sida uu yahay loo eegaa khaladka yaan la saarin Dawladdaha Hoose, Distoorkeenu waa inuu sida uu yahay loo eegaa dhulka.”

Maayarka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi; “Adduunka dawladaa leh dhulka markaa Mashruuc caynkan oo kale ah la keeno dawladdaa hagta Qofka oo ay tidhaahdda dhulka waxa la dhisi karaa marka qofku wuxuu ku dhisi karo hayo, ma dhul waxaad aragtay dadkii leeyahay anagaa leh oo ay haysanayaan Baayacmuushtar buu galay, waxyaabahaasi waa fududaynay aynu fududaynay sharciga dhulka ee marka hore la leeyahay dawladdaa leh dhulka, xaggeeynu ku leennahay dhul ma lihin, waxa weeyaan nidaam fiican ha lagu sameeyo sharciga dhulka oo ha lagu noqddo.”

“Annagu Dawladda Hoose ahaan intii aanu ka soo gaadhnay meelahan iyo meelahan ka sii fog uu baan ka soo gaadhnay Magaaladda Dantii guud wey ku jirtaa, laakiin wey ka fog-yihiin meel halkan ka soo horjeedda Cusbitaalka dadka dhimirka qabaayaanu ugu talogalnay, laakiin wey fogtahay, waxaan odhan lahaa sharciga dhulka dib ha loogu noqddo waa inay dawladdu dhulka yeelataa oo gacanta ku qabataa oo Mashaarciida laga qabtaa,” ayuu Maayar Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir hadalkiisii ku soo gebagebeeyey.

 

SDN/Hubaal-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed