|

Shabaabka oo isaga huleeyay Kismaayo

Kismaayo Sept 17,2012(SDN)-Wararka ka soo baxaya guddaha magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in inta badan madaxtii kooxda Al Shabaab ay magaaladaasi isaga baxeen xili ay ciidamada huwanta ee AMISOM kuwa KMG iyo kooxda Raaskaabooni ay magaalada duleedkeeda gaareen.

Dadka magaalada Kismaayo ku sii haray ayaa sheegaya in maalmihii ina soo dhaafay ay aayar aayar magaalada u faaruqinayeen madaxdii Shabaabka ee halkaa ku sugnaa sanadihii u danbeeyay.

Sidoo kale goobjoogeyaasha ku sugan magaalada oo diiday in warbixinta magacooda lagu xusay ayaa sheegay in labadii maalmood ee u danbeeyay in la arkayay ciidamada Shabaabka oo magaalada isaga baxaya.

Lama garanayo halka ay madaxda iyo ciidamada Shabaabka ee magaalada ka baxay ay u digo rogteen.

Sidoo kale ma cada xiliga ay ciidamada Huwanta ahi ku dhiiran doonaan in ay magaalada guddaha u soo galaan.

Magaalada Kismaayo ayaa aheyd magaalada ugu weyn ee ku sii harsaneyn gacanta kooxda Al Shabaab.

SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed