|

Xildhibaan Yusuf Maxamuud Guuleed oo Guddida Wadada cad iyo Jaaliyada Toronto amaan iyo gubaabo isu raaciyay

Toronto Sept 16,2012(SDN)-Xildhaan Yusuf Maxamuud Guuleed oo ka mida gollaha degaanka ee magaalada Hargeysa isla markaana xubin ka ah guddida wada mashruuca dhismaha Wadada Cad oo haatan safar ku jooga magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxa uu ka warbixiyay dedaalada magaalada ka socda ee hantida loogu ururinayo mashruuca Wadada Cad.

Xildhibaanku waxa uu amaan huwiyay gudida Wadada Cad ee Toronto oo kala ah Maxamed Axmed Hudle,Xuseen Jaaquur,Cabdimuse Cige iyo Cabdiqani Muxumad Yusuf oo uu sheegay in ay dedaal dheeri muujiyeen.

Xildhibaanku waxa kale oo uu amaan u jeediyay Jaaliyada reer Toronto oo uu sheegay in ay ururiyeen lacag wax ku oola oo horu dhaca.

Sidoo kale xildhibaan Yusuf Maxamuud Guuleed waxa uu inooga waramay dedaal ay haatan wadaan Dumarka reer Toronto oo haatan dhankooda is abaabulaya,waxaanu ku dhiiri geliyay in sidii horeba looga bartay ay muujiyaan doorkooda muhiimka u ah mashaariicda noocan oo kale ah.

Xildhibaanku waxa uu ku amaanay guud ahaan reer Toronto dedaalada ay wadaan ee taxanaha ah ee lagu meel marinayo mashruuca Wadada Cad,waxaanu ku booriyay in ay dhameytiraan hanti ururinta haatan la soo gunaanaday wejigeedii koowaad.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed