|

jidka ay somaliland umari karto dhabaha horumarka(the way forward for development in somaliland)qormadii saddexaad naasir ali kabadhe

 

Kampala-(SDN)- Waa qaybtii Seddexaad, warbixintii qoraalka ahayd ee uu soo diyaariyay Aqoonyahayn Naasir Cali Kabadhe, ee uu kaga hadlayay Jidka ay Somaliland u mari karto Horumarka oo uu soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Togaherernews ee Kampala, waxaanu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan.

Dimoqraadiyadda Somaliland (DEMOCRACY IN SOMALILAND).

SHU’RA  IS ONE FUNDAMENTAL PILLAR ISLAM WHICH AIMS TO REGULATE THE RELETIONSHIP B/W THE GOVENOR AND GOVERNED AND THE SYSTEM OF GOVERNMENT IN ISLAM IS SYSTEM OF SHU’RA. 

 

Ka dib markii la jabjabiyay caado daqmeedkii dhaqan dhaqaale ee adduunka ka jiray  xalna loo helay si uu u waaro dhaqaalaha adduunku laguna badalay habka dhaqaalaha xorta ah ee ku dhisan  tartanka suuqa, capitalism , Economic system .free market, kaas oo ka guulaysatay fikradii ama mabdii xanbaarsanayd socialism 

Waxa ay fikradaasi shaaca ka qaadeen in ay dhalato baahida ay dadku u qabaan xoriyada nolaleed jaanisna ay u helaan fikir dhiibashadooda taas oo ku koobnaan wayday dhinaca dhaqaalaha oo kali ah kadib waxa abuurantay aragtida odhanaysa democracy    (theory democracy),

Demoqraadiyadda lama odhan karo oo kali ah waa xoriyad ama (freedom), laakin waa mid ka balaadhan macnaheeda ama ujeedadeeda ay xanbaarsantay waxaan odhan  karnaa mida kali ah ee ugu fiicanatay dalalka reer galbeedka  waji cusubna u furtay sidii ay u wada nolaan lahaayeen dadyowga galbeedku

Fikradan demoqraadiyadda guud ahaan waxa ay tilmaamaysaa (freedom, equality, power shared, justice, free speech, wealth , peace progress, and interest)

Hadaba waa xoriyad buuxda qof kastaana uu xor u noqdo wixii isaga u gaar ah, iyo in la helo sinaan buuxda oo aha qofna qof wax dheeraysan oo mid kastaa uu helo xaqiisa isagoo u maraya sharciga hadii uu awood leeyay iyo hadii kalaba, 

Awooda oo la wadaago taas oo dabar jaraysa in uu qof kaligii taliyo amarkiisuna socdo ,balse umada taladu dhex taalo oo qof kii ay raali ka noqdaana u dhiibayaan maamulka. Sidoo kale waxa muhiim ah in la helo xoriyada hadalka oo ah in qofku xor u noqdo fikirkiisa araahdiiisa cidna aanay ku cabudhin cadaalad in uu qof kastaa helo cadaalad si aan cidna xaqiisa loo dulmin qof kalana aanu u helin xaq aanu lahayn oo dheeraad ah si qaniimada wadanku uu leeyahay loogu sinaado oo si siman oo xallaal ah wax loo qaybsado, taas oo abuurtay xidhiidh nolaleed oo aad u fiican bulshada ku dhaqnayd wadamada reer galbeedka sida Europe , USA America , oo aynu odhan karno dhib aad u badan ka haystay nolasha bulsahada, oo ay aad uga duwanaayeen bulshada islaamka ah

Dimoqraadiyadda Iyo Islaamka (Islam  and democracy)

Umadda islaamka ahi waxa ay haysataa DIINTA munasalka ah ee Alle ugu soo dhiibay Rasuulkeenii sharafta lahaa ee Mohamed (CSW), diintaas oo xal u ah kuna filan dhamaan ummada caalamka ku nool, kuna fillan, hadii aad dhinac kasta ka eegto sida horumarka, cadaalada, xoriyada, awood qaybsashada ama shura , dhamaan kitaabka quraanka ah ama diinteena islaamka ah ayaa dhamaan ku cad yiin waxaanan odhan karnaa waa Diin horumara ah, sidii loo horu marin lahaa umada caqliyadooda iyo nolashooda.

Kun iyo Afar boqol oo sano ka hor tariikhda hijriyada ayay diinta islaamku si cad u qeexay sharciga dhaqan dhaqaale iyo midka siyaasadeed iyo waliba xaquuqda bili’aadanka

Ilslaamku waxa uu aqoonsi buuxa siiyay haquuqda shakhsi, bulsho, iyo wadamba, ilaalinta  dhowrista xaquuqdiisa gaarka ah, dhinaca kale,  Guud ahaan islamka waxaa uu ku dhisanyay mabda Shura,

Sida uu qorayo ( Prof. Dr. Sulleimein binu abdulrahman) buuggiisa la magac baxay (human right in Islam), waxa uu ku sheegaya isbarbar dhigida xidhiidhka shura in islam iyo sharciga reer galbeedka  democracy. Shura waa ta kali ah saldhig adag u yahay waxyaabaha horumarka muhiim u ah, ujeedooyinka ay ka duulaysana ay tahay sidii loo kantarooli laha xidhiidhka shaqo ee ay wadaagan dowlada iyo shacabku, waa siyaasad islaamku ku dhisanyay maamulkiisu, 

Hadana waxaa loo baahanyay sidii lay iskugu xidhi lahaa nolasha iyo diinta, taas macnaheedu waa waxbadan oo dadku qabsan karaan ayaa jira iyagoo u maraya usluubka islaamiga ah, sida maamulka ama hogaanka cida tallada u dhiibanyaan, taas oo ku iman karta cida ay kalsoonida siiyaan,

Wadankeenu waxaa uu ku jiraa darajada Score of ZERO =inequality taaas oo aad u saraysa, waxaa muhiima in dib looga fikiro sidii aynu u gaadhi lahayn Score Of ONE oo ah complete  Equality   oo tilmaamaya dhamaystir ah si loo  gaadho SOCIOeconomic  Wellbeing in this century .       

DEMOCRATIC  GOVERNMENT AND INTERNATION AID COUNTRIES 

 

Somaliland waxaa ay ka mid tahay wadamada qaadatay sanadihii u danbeeyay nidaamka dimoqraadiyada sida ku cad dastuurkeena la dhigay sanadkii 1999 dadwaynaha somalailand ay ugu codeeyeen 98% kaas oo ah kan manta waanka lagu maamulo,

Somaliland waxa ay ku jirtaa runtii tobban 10top, wadan ee africa ugu horeeya democracy, taas oo noqotay mid amaan u soo jiiday guud ahaan somaliland.waxa xusid mudan in la sheego xidhiidhka ka dhaxeeya wadamada deeqda bixiya iyo wadamada dunida sadexaad.

Wadamada deeqda bixiya intooda badan waxay ku xidhaan sahruud ay ka mid tahay dimoqraadiyada iyo dowlad wadaaga( democracy and good government) oo la gaadho horumar buuxa si ay u helaan taageerada dhaqeele ee horumarineed   ee uga imanaya wadamadaa

Aynu hoos ugu dhaadhacno ujeedada qoraal mugeedkan aan jeclaan doono in dad wayanha reer somaliland waxbadan ukala caydayn doona,

Ujeeda guud ee ay xanbaarsantay democratization.( purpose of democratization)

Protection of human right ,

Access to justice, peaceful coexistence, and

Improvement accountability

Waxyaabaha ku haboon ee taageera horumarka kana qayb qaata ay ka midka yihiin   public institutions  iyo civil society organization

Somaliland waxa jooga wadamo badan ilaa todoba wadan oo ka mid ah sida, swedan, Denmark, Norway, European union , united state USA, dhamaantood waxaa ay ka taageraan dimocratiyada iyo dowlada wadaaga, kuwaas oo ah cabiraada ay sitaan

Dawladda Somalailand waxaa ay u baahantay in ay ku tartanto ama ay cadayso sedex dan qodab oo ah min qiyaaska ay ku cabirayno siyaasadeeda ku wajahan arinka DIMOCRATIC GOVERNMENT .

Component point

DEEPENING DEMOCRACY

Face one

 Political responsiveness, and accountability, democratic culture,  space and integrity of democratic process.

 Face Two

Right , justice and peace

Dheeri galinta ilaalinta xuquuqda aadamiga  si aynu u gaadhno  cadaalad buuxda oo qof kasta oo reer soomaliland ahi uu ku qanco iyado cadaalada oo bixinaysa

Peace and reconciliation

Face three

Strengthened accountability and transparency of service provider at state local government  level. the component hinges on local accountability  networks and partnership, improved  basic delivery to poor, vulnerable and socially exluded group and harnessing natural resource for better service delivery,

Waxaan aad u jeclaan lahaa in aan ku wacyi galiyo horumarka guud ee waan keena somaliland  u jeedooyin ka si guud loo wadaago  mustaqbalka dhow si ay nu u gaadhno kan fog, LEGAL AID in somalilad, dowladuna hirgaliso qoraal sharci oo shaqaynaya ( national legal aid policy )

Dadwaynaha ku nool wadanka somaliland umay helin fursadan ay kula kulmayaan adeeg u suuro galinaya in ay helaan LEGAL AID service  kaas oo ay ku helayaan bulshadu in ay lacag la’aan ku helaan sharciyaqaanada ama qareenada, taas oo laga caawinayo bulshado, si looga gaadho haga sharciga horumar amaan mudan.( commendanble development ) taas oo dowlada somaliland u noqon karta amaan iyo xasuus u gaara,

Dowlada somaliland waa in ay qaado talaabo ay ku adeecayaan ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya xuquuqda Aadamaha,( international human right obligation)   si loo hello  dad u taba baran si heer caalami ah oo ka shaqeeya howlaha sharci ee dalka

Waxaa aad ugu amaananyiin hayadaha gacanta siiya  laanta sharciga iyo ardayda  wax ka dhigata jamada dalka ee barata qaybta sharciga oo aan oran karo gacan wayn ayay ka siiyaan sidii loo horu maran laha,

Wasiirka cadaaladana waxaa aan odhan lahaa waxaa aad haystaa fursad aad u fiican oo hadii aad si fiican uga faaiidaysato kunoqon karta amaan iyo wax recod ka kuu gala dadkana aad uga faaiidayso inbadan oo muwaadiniin ahina aysan haysan awood ay xaqooda ku raadsan karaan, hadaba xill ha iska saaro sidii uu u samayn lahaa siyaasada

National legal aid policy  iyo  legal aid bill development process.  Wasaarada caadaladu waa in ay ku dagdagaan sidii ay uga howl galilahayd,

Si loo helo ama loo gaadho cadaalada waxa inagu fillan kitaabkeena quraanka ah kaas oo qofna aan dulmiyin mid kastana siiyay xaqiisa, hadii aynu helno hogaamiye ka xor ah wax kasta oo Alle ka sokeeya oo si dhab ah u hanta gudashada xaqa  masuuliyadda saaran kana shaqeeya cadaaladda, sinaanta bulshaweynta Somaliland…..LA SOCO……

 NASIR ALI KABADHE, MASTER OF DEVELOMENT ADMINSTRATION MANAGEMENT

KAMPALA INTERNATIONAL UNIVERSITY, nasirkabadhe@gmail.com

Khadarbitijoor@hotmail.com

Wariye khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

 Xafiiska Kampala/ugandha

SDN

 

 

Comments are closed