Reer Yurub oo kordhinaya Garsooreyaasha ciyaaraha Kubedda Cagta
London Sep 01,2012(SDN)-Dalal fara badan oo reer Yurub ka mida ayaa in mudo ahba waday tijaabo lagu eegayo saameynta ay yeelan karto wanaag iyo xumaanba koror lagu sameeyo garsooreyaasha ciyaaraha Kubedda Cagta.
Ilaa 1000 ciyaarood oo dhawaan ka dhacay dalalka Yurub ayaa waxa garsooreyaasha lagu biiriyay laba garsoore oo joogsada Shebega dabadiisa.
Madax horyaalka reer Yurub ee UEFA Michel Platini ayaa sheegay in dalalka tijaabada ka qeybqaatay la siin doono mudnaanta kowaad kolka la xulayo garsooreyaasha.
Madaxa UEFA ayaa sidoo kale xusay in aaney reer Yurub qaadan doonin nidaamka Computerka oo ay kaga kalasoon yihiin nidaamlka shanta garsoore.
Horyaalada Yurub ee Serie A, Champions League iyo Europa League ee sanadkan ayaa gidigood lagu wadaa in ay isticmaalaan nidamka shanta garsoore.
Horyaalka Premier League ayaa isna lagu wadaa in uu daraasad ku sameeyo hanaankan cusub ee lagu garsoorayo ciyaaraha kubedda cagta.
Ciyaarta kubedda cagta ayaa mid garsoorkeedu uu aad u adag yahay isla markaana aan waxba laga bedeli karin goamada garsooreyaaashu qaataan.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com