TAARIIKH KOOBAN SHEEKH CUMAR XUSEEN AW JAMAC[MACALIN CUMAR CEESH]
Hargeysa Aug 26,2012(SDN)-Bismilaahi raxmaani raxiim ascww,Fadiilatu sheekh cumar xuseen aw jaamac oo ku magac dheeraa sheekh cumar ceesh waxa uu ka mid ahaa xubnihii sida wayn uga hawlgalay barashada diinta islaamka inuu dalka soomaaliya ka hirgaliyo.
waxa sheekhu ka qalinjabiyay jaamacada ASHAR ee dalka masaarida waxaanu ahaa inta la garanaayo wadaadadii ugu horeeyay ee dalka masar waxbarasho u taga kana soo qalin jabiya.
ilaahay haka raali ahaadee waxa sheekh cumar bilaabay FIDINTA DIINTA ISLAAMKA Tafsiirka quraanka kariimka ah iyo barashada axaadiiska rasuulka calayhi salaatu wasalaam ayuu ka bilaabay magaalada hargaysa waxaana uu ku guulaystay in uu arday badan aqoonta diintiisa ku shubo.
waxa markiiba suurtagal noqotay in ardaydii uu waxbaray ay ayaga laftoodu wax sii baraan arday kale.
ilaahay mahadi haka gaadhee waxa sheekh cumar xuseen horseeday in dhamaan dalka gudihiisa ay ku faaftay barashada kitaabka QURAANKA KARIIMKA ah iyo barashada xadiiska rasuulka csw Waxa hoostaada ku sawiran MASJID JAAMACA magaalada hargaysa oo ah masaajidka ugu wayn somaliland magaalada hargaysa waxaana lagu bilaabay nidaam iskaa wax u qabso ah waxa sheekh cumar xuseen ka mid ahaa xubnihii degaanka ee ayagu suurta galiyay in la dhiso masaajidkan waxay si wayn u abaabuleen bulshada magaalada hargaysa kuna dhiiri galiyeen in si wada jira baytankan ilaahay loo taago.
WAA baytka ilaahay subxaanuhu watacaalaa ee loo yaqaano MASJIDUL JAAMACA,wuxuu ku yaalaa caasimada somaliland ee magaalada hargaysa waana masajidka ugu wayn waxa masaajidka in badan khudbada jimacaha ka akhriyi jiray fadiilatu sheekh cabdiraxman kaariye AHN
oo aniga laftaydu aan ka bartay kitaabka taajka la yidhaa. ahaana sheekh caalima oo aad u wayn waxa asaguna imaam ka ahaa fadiilatu sheekh faarax wadaaje AHN oo isaguna ahaa caalim wayn.
Fadiilatu sheekh cumar xuseen aw jaamac waxa uu waqtigan degan yahay dalka uk caasiamda london waxaanu leeyahay reer barakaysan oo mustaqbalka noqon doono kuwa ugargaara barashada diinta islaamka waxa sheekh cumar had iyo goor gurigiisa ku booqda arday badan oo uu asagu wax baray ilaa imikana aan ka qoob qaadin jecelna inay cilmiga kala hadhaan si ay umada ugu sii faa,iideeyaan.
waxa sheekh cumar inta badan kasoo baxaa shaashada tv yada ee dadku diinta wax ka waydiiyaan ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee sheekh cumar xuseen ilaa imika kamauu hadhin wacyi galinta umada iyo ufaa,iidaynta aqoonta diinta islaamka.
Fadiilatu sheekh cumar waxa uu ahaa maamulaha dugsiga axmed guray ee ku yaala degmada iftin hada loo yaqaan degmada mujaahid axmed dhagax.
waqtigaas uu sheekhu ahaa maamulaha dugsiga ayaa waxa lagu tiriyaa waqtiyadii ugu wanaagsanayd ee arday badani ka aflaxaan dugsiga axmed gurey.
waxaana taasi ku suurto gashay ayadoo waalidiinta ardayda ee magaalada hargaysa ay kalsooni dheeraada ku qabeen hogaanka sare ee dugsiga oo uu joogay markaa FADIILATU sheekh cumar ceesh waxay aradydu ka iman jireen xaafado ka durugsan dugsiga kaas oo ahaa mid waalidkoodu u dooray ayagoo markaa aad ugu niyad wanagsanaa in ubadkoodu maqaam fiican la iman karaan haday ka aflaxaan dugsiga FADIILATU sheekh cumar xuseen gacanta ku hayay oo ay u doorbideen ubadkooda.
Gabagabdii
Taariikhda fadiilatul sheekh cumar xuseen maaha mid aynu qoraal yar kusoo koobi karno balse waxaynu guda gali doona mustaqbalka inaynu ka sheekayno meelo badan oo dhanka galbeedka ah oo gabiley ka mid tahay oo sheekhu uu macalin ka ahaa waxa kaloo aynu tariikhaha danbe ka sheekayn doonaa rag badan oo haldoora dalkana masuuliyad ka haya oo sheekhu macalin u ahaa salaadiin iyo cuqaal badan oo sheekhu wax baray ayaynu qaybaha danbe kusoo qaadan doono intii aynu ka heli karno.
wabilaahi tawfiiq
SICIID CABDI DHEEN
dheen2011@hotmail.co.uk
london uk