|

Hargeysa: Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo tabobar u furtay hawlwadeeno ka kala socda laamaha wasaaradda ee gobollada dalka

Hargeysa 25, August 2012 (SDN)- Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garaad (Barre), ayaa maanta kulan labo maalmood socon doona, magaalada Hargeysa uga furay xubno ka mid ah Shaqaalaha wasaaraddaas ee gobolada dalka iyo xidhiidhiyayaasha lammaanaha ee wasaaraddaha kale ee dawladda ee wada shaqayntu ka dhaxayso.

Ujeedada kulankan oo ah horumarinta arimaha lammaanaha, waxa inta uu socdo waxaa lagu eegi doonaa sida ay lammaanuhu u horumarin karaan dhinacyada dhaqaalaha iyo arimahooda dhinaca bulshada, isla markaana ay u xakamayn lahaayeen tacadiyada ay suurogalka tahay inay haweenku la kulmaan iyadoo laga duulayo qawaaniinta heer Caalami iyo kuwa wadanka ee dhinacyada Xuquuqal-insaanka.

Ugu horayn, Lataliyaha wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada ee dhinaca lamaanaha Xasan Xuseen oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa faahfaahin ka bixiyey siyaabaha ugu haboon uguna sahlan ee loo horumarin karo arimaha lamaanaha, gaar ahaana qayb galka haweenka ee arimaha siyaasadda iyo talada dalka taasoo uu ku sheegay mid horseedi karta in lamaanuhu isu geeyaan aqoontooda iyo waayo aragnimadooda lana helo bulsho isku tiirsan oo maskax ahaan isku filnaata.

Marwo Luul Aadan Geedi oo ah madaxa Lammaanaha ee wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada oo iyana kulankaasi hadal ka jeedisay, waxa ay xustay in wasaarada ahaan ay qaranka ugu xilsaaran yihiin arimaha Bulshada gaar ahaan horumarinta arimaha lamaanaha,isla markaana la dejiyey qorshayaal wax lagaga qabanayo sida loo yaraynayo ama loo joojinayo tacadiyada ay suurogalka tahay inay ku dhacaan haweenka,iyadoo intaas ku dartay in wada shaqayn buuxda laga sameeyey xidhiidhka u dhexeeya xafiisyada qaabilsan arimaha lammaanha ee wasaaradaha dawlada.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Mr. Maxamuud Axmed Garaad oo kulankaasi si rasmi ah u furay, ayaa ku dhiirrigeliyey ka soo qaybgalayaasha inay ka faa’iidaystaan duruusta ay qaadanayaan, isla markaana ay ku dabbaqaan hawlmaalmeedkoodii marka ay dib ugu noqdaan shaqooyinkoodii gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasiir Garaad oo ka hadlayay shaqo la’aanta ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay dedaal ka wado sidii loo yarayn lahaa dhibaatada ay bulshada ku hayso shaqo la’aanta, taas darteedna ay lama huraan tahay in laga soo bilaabo ilaalinta dakhliga ka soo xerooda Cashuuraha, loona baahan yahay guud ahaan bulshadu inay dhinacyada iska taagaan sidii kor loogu sii qaadi lahaa koboca miisaaniyadda dalka.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed