Maxkamad Norway ku taal oo xukun ku riday nin 77 ruux dilay
Oslo Aug 25,2012(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa xukun dheer ku riday nin dalkaa ku laayay dad ka qeybgalayay xaflada siyaasadeed oo uu qabtay mid ka mida axsaabta dalkaasi.
Dadka maalintaa uu Anders Behring Breivik laayay ayaa waxa ka mid ahaa allaha u naxariistee dad Soomaaliyeed oo xisbigaa taageri jiray.
Breivik oo maxkamadiisu socotay mudo toban todobaad ah ayaa waxa lagu helay denbiga oo uu ku muteystay 21 sanadood.
Breivik ayaa maxkamada ka sheegay in uu ka xun yahay in aanu maalintaa dilin dad intaa ka badan,isla markaana aanu aqoonsaneyn sharciyada maxkamada.
Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay in Breivik aanu aheyn nin waalan oo danbigaasi uu ula kac u galay.
Breivik ayaa sheegay in uu falkaasi u fuliyay si uu u muujiyo in dalkiisa aan looga baahneyn in dhaqanada kala duwani ay wada noolaadaan.
Ninkani ayaa diidanaa in dadka soogelootiga ahi ay ku noolaadaan dalka Sweden.
Booliiska iyo xukuumada dalka Norway ayaa dhaleeceyn faro badan kala kulmay shacabka dalkaasi ka dib kolkii ay ku qaadatay in ninkaa la qabto mudo saacado ah oo uu xasuuqa waday.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com