“Saaxiibka keligii taliyaha Jabuuti”Buug cusub oo Mucaaridku si dadban ugu daabaceen
Brussels Aug 24,2012(SDN)-Mucaaridka Jabuuti ee dibada miciinka badan ayaa dhawaan daabacay Buug ay uga waramayaan xaaladaha dalkooda ka jira mudooyinkii danbe,iyada oo ay daabacaada buugana ay ku magacaabeen haweeney ka soo jeeda Qowmiyada Canfarta.
Buuga ayaa daabacaadisa waxa ku xusan Haweeney la yidhaahdo Marwo Warsama Adoyta waxaanu ku dheeraanayaa ka hadalka qoyska madaxweynaha dalka Jabuuti.
Khaasatan waxa uu diirada saarayaa labada Qoys ee madaxweynaha iyo ka marwada kowaad ee dalkaasi Jabuuti.
Mucaaridka Siyaasadeed ee dalka Jabuuti ayaa mudooyinkan u danbeeyay si toosa ula xiriirinayay xalada Jabuuti qoyska madaxtooyada dalka Khaasatan ka marwada kowaad.
Soomaalida iyo dhaqankeeda siyaasadeedna waa ku ugub arinkaasi,waxaanay ka mid tahay sababha ay mucaaridka Jabuuti uu dhawaaqoodu meel dheer u gaari la’ayahay.
Mujtamica reer Jabuuti ee dibeddaha sal dhigtay sanadihii u danbeeyay ayaa hadalheyntooda ugu badan ee buugan waxa uu ahaa in mucaaridku ay yihiin cida daabacday buugan ee isla markaana haweeneyda ku magacaawday.
Hadii xaalku sidaa yahay waxa ay tani muujineysaa in mucaaridku kalsoonidii ay hoos u dhacday oo xitaa ay magacooda kala maageen buugan.