|

Daahir Rayaale: “Xisbiga KULMIYE waa kii shirkoodii Burco (2008) ku kala tegay, UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd maanta way ku sugan yihiin, 27-ka bishana…” (DHEGAYSO)

Hargeysa 23, August 2012 (SDN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga khilaafaadku kala daadiyay ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku celiyay rejadiisa la xidhiidha in xisbigaasi ku soo bixi doono doorashada Deegaanka oo loo muddeeyay 28 November 2012.

Daahir Rayaale oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaalada Hargeysa, waxa uu soo dhaweeyay in guddoomiye kuxigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin uu ka baxo xisbiga UDUB.

Inkastoo uu xisbigaasi u muuqdo mid sii fagmaya oo ay adag tahay inuu kaalintiisa sii haysto, maadaama waqti koobani ka hadhay waqtiga doorashada, haddana guddoomiyuhu waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay inay ka gudbi doonaan tartanka doorashada, wuxuuna shaaciyay in dhamaadka bishan August ee aynu ku jiro uu xisbiga UDUB Hargeysa ku yeelan doono shirka golihiisa Dhexe, si dib loogu habeeyo xisbiga iyo murashaxiinta danaynaya ka qaybgalka doorashada Madaxtooyada 2015. “Waxaan ku wargelinayaa bahweynta Xisbiga UDUB inay 25 bishan Documentiga Xisbiga ka soo raadsadaan xarunta Xisbiga, 27-ka bishanna 8-da subaxnimo Shirkii Golaha Dhexe ee UDUB waxa uu ka furmayaa Hotel Ambassador, waxaanan ku wargelinayaa Golaha Dhexe, heer gobol, dhammaantood inay ka soo qayb-galaan shirka oo noqonaya mid lagu dar-dargelinayo xisbiga UDUB inuu si toos ah uga qayb-galo muddada yar ee ka hadhay doorashada Golayaasha Deegaanka,” ayuu yidhi.

Mr. Rayaale waxa uu khilaafka xisbigiisa kala daadiyay la maseeyay kii xisbiga Kulmiye ee 2008, xilligii shirkii golihiisa Dhexe ee magaalada Burco, wuxuuna ku dooday in aanu isagu masuul ka ahayn abuurista khilaafka hadda dhex yaala xisbiga UDUB. “Anigu Khilaafka ma keenin ee aniga oo maqan ayuu khilaafku abuurmay, waxaan u imi inaan khilaafka dhammeystiro, nasiib-darro intii badnayd way ogolaatay oo taladaydii ayay raacday, xoogaa taladaydii diiddayna inay xisbiyada kale ku kala biireen waad ogtihiin, waana caado ay xisbiyadu leedihiin. Xisbiga KULMIYE waa kii Burco ku kala tagay, intii xaasilka ahayd ee mabda’a aaminsanayd ayaa isugu soo hadhay, UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd maant way ku sugan yihiin,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UDUB.

Haddaba halkan ka dhegayso hadalka Rayaale

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/rayaale.mp3″]

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed