Soomaalida ku nool xaafada Foresrum (Sweden) oo amaandaro soo wejahday awgeed halkaa ka Guuraya
Foresrum aug 23,2012(SDN)-Soomaalida ku nool xaafada Foresrum ee dalka Sweden ayaa waxa soo wejahay xaalad amaan daro keentay in ay caruurtooda aqalka aaney soo dhaafin oo aaney tegin school,
Xaalada amaan ee Soomaalida ayaa todobaadkan cirka isku shareertay ka dib kolkii dhalinyaro Sweden u dhalatay ay bilowdey in ay ugaarsato Soomaalida halkaa ku nool.
Madaxa xafiiska urur Soomaali ah oo xaafadaa ka furan Cabdulah Dhinbil ayaa tvga STV ee Sweden waxa uu u sheegay in Sooaalidu ay Sweden u tegeen xaaladaha amni ee dalkooda ka jira,iminkana aaney u dulqaadan karin in la bartilmaansado.
Soomaalida Forestum ayaa sanad ka hor lagu qiyaasay ilaa 150 qoys halkaa haatan la sheegay in 95 qoys ay halkaa weli ku nool yihiin.
Arbacadii Shalay ayaa waxa kulan xaaladan ku saabsan yeeshay masuuliyiin uu ka mid yahay duqa magaalada Nässjö.
Kulanka ayaa lagu lafo guray sidii Soomaalida Forestum amaankooda wax looga qaban lahaa isla markaana xaalda loo dejin lahaa.
“Ma aha in cidna ay waxbarasho u tegi weydo amaan daro awgeed,hadii ay nagu khasabtana Soomaalida Schoolka waa loo gelbin doonaa”ayuu yiri Duqa magaalada Nässjö Anders Karlsson.
Magaaladan oo dhacda duleedka Jönköping ee dalka Sweden ayaa saxaafadu diirada saartay labadii maalmood ee u danbeysay ka dib kolkii lagu baraarugay dhalin is urursatay oo Soomaalida caay iyo colaad isu raacisay.
SDN-Foresrum
contact@somalidiasporanews.com