Addis Ababa: Baarlamaanka oo fadhi degdeg ah yeelanaya, maydka Meles oo la keenay iyo wararkii ugu dambeeyay ee geerida hoggaamiyihii Itoobiya
Addis Ababa 22, August 2012 (SDN)- Baarlamaanka dalka Itoobiya, ayaa isu diyaarinaya fadhi degdeg ah oo ay yeeshaan, si ay u dhaariyaan hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, ka dib geerida Raysal-wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo dhimashadiisa la shaaciyay Salaasadii shalay.
Baarlamaanku waxa Khamiista yeelanaya fadhi lagu dhaarin doono hoggaamiyaha cusub Mr. Hailemariam Desalegn, kaasoo tan iyo 2010 ahaa kuxigeenka Meles iyo wasiirka Khaarajiga Itoobiya.
Mr. Hailemariam Desalegn waxa uu xilka hayn doonaa ilaa 2015 oo ah waqtiga ka hadhay muddo-xilleedkii Meles Zenawi.
Dhinaca kale, maydka hoggaamiyaha geeriyooday ayaa xilli dambe oo Salaasadii ah laga dejiyay caasimadda Addis Ababa, ka dib markii uu ku geeriyooday cusbatal ku yaala caasimadda dalka Belgium ee Brussels ee qaaradda Yurub.
Kumanaan Itoobiyaan ah ayaa jidadka ugu soo baxay keenista maydka hoggaamiyahooda, iyadoo kuwo badan oo ka mid ahi ooyayaan, ayna sitaan sawirada Meles iyo sidoo kale Shamacyo ay kor u hayeen.
Meles oo Itoobiya hoggaaminayay muddo 20 sannadood ka badan, waxa lagu xasuusan doonaa sida uu horumarka u gaadhsiiyay dalkaas iyo gacanta uu ka geystay nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
Hase yeeshee, kooxaha u dooda Xuquuqal-insaanku waxay sheegeen in Meles Zenawi lagu xasuusan doono xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha iyo samaynta dawlad aad u adag.
Weli lama cayimin waqtiga la aasi doono hoggaamiyaha geeriyooday ee dalka Itoobiya, iyadoo lagu wado in hoggaamiyeyaal tiro badan oo dalalka dunida ka kala yimi ka qaybgalaan aaskiisa.
Qurbejoog.com, Addis Ababa