Buuhoodle: Rag muddo afduub loo haystay oo la sii daayay iyo magacyada afarta qof ee la haystay
Buuhoodle 22, August 2012 (SDN)- Afar qof oo muddo todobaad ah afduub loogu haystay deegaanka Buuhoodle, ayaa maanta la sii daayay, ka dib markii waxgaradka degmadaasi dedaal u galeen sidii loo sii dayn lahaa raggaas.
Nimankan oo ka soo jeeda deegaanka Qorilugud, waxa dhawr maalmood ka hor qafaashay rag hubaysan oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle, taasoo ka dambaysay heshiiskii nabadeed ee xukuumadda iyo hoggaamiyihii kooxdii SSC galeen.
Waxa la sheegay in raggaas ay kooxda nabad-diidka ahi afduubka u haysteen, galabta loo gudbiyay degmada Buuhoodle, haatana ay gacanta ku hayaan odayaal nabadeed deegaankaas ka soo jeeda.
Sida la sheegay, waxay magacyada afartaa nin kala yihiin; Cabdikariim Saleebaan Aaden, , Maxamed Axmed Caydiid, Jaamac Xasan Caydiid iyo Ducaale Yuusuf.
Maalmihii u dambeeyay waxa jiray cabsi la xidhiidhay in afduubkaasi soo cusboonaysiiyo xiisado colaadeed oo markale ka dhex curta beelaha Qorilugud iyo Buuhoodle oo muddooyinkii u dambeeyay dhawr jeer isku-dhac dhexmaray.
Talaabada sii daynta raggaasi waxay calaamad wanaagsan u tahay xasiloonida deegaankaas iyo deris-wanaaga beelaha walaalaha iyo ood-wadaagta ah.
Qurbejoog.com, Hargeysa