Geerida Meles, Miisaankiisii Shakhsiyadeed iyo Marxladda Geeska Africa
Meles Zenawi, ka sakow muuqaalka lama illaawaanka ah ee uu ku yeelan doono taariikhda Dalka Itoobiya, waxaan sidoo kale shaki ku jirin in ay geeridiisu saamayn dhinacyo badan ku yeelan doonto guud ahaan Geeska Africa iyo hay’adaha iyo dowladaha Caalamka intabaHooyo Eretariyaan ah, iyo Aabbe Itoobiyaan Tigree ah ayaa iska dhalay.
Meles Zenawi, wuxuuna ku dhashay Magaalada Adwa oo ku taal Waqooyiga Itoobiya, waa halka ay Qowmiyadda Tigreegu dagaan. Meles wuxuu ku korey waxna ku bartay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo 1975-tii ka tagey sanadihii ugu danbeeyey ee jaamacaddiisa, kuna biiray ururkii TPLF ee Xoraynta Qowmiyadda Tigreega, Toddobo sano kaddibna la wareegay hoggaanka sare ee Ururkaas.
Hoggaamiye Meles Zenawi oo madax u ahaa Ururkii Mucaaradka ee la dirirayey taliskii Mingisti Xayle Maryam waxay talada si kumeel gaara
ula wareegeen Sannadkii 1991-dii Ilaa 1995, isagoo isla sannadkaas qudhiisa si rasmiya u noqday ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda
Federaalka Itoobiya.
Dadka aqoonta u leh shakhsiyadda Ra’iisalwasaare Meles waxay sheegaan inuu ahaa nin aad u ad adag, firfircoon, sifiicana u kala yaqaan
saaxiibadiis iyo cadowgiisa. Waa shakhsi caqli badan, codkar ah,xanaaq iyo farxad toonana aan laga yaabin inaad dhegahaaga ku maqasho
isagoo qoslaya!
Ra’iisalwasaare Meles wuxuu Itoobiya ka dhisay mid ka mida nidaamyadii ugu adkaa ee waddan laga sameeyo. Wuxuu tirtiray Mucaaradkiisa, isagoo dhisay millatari awood badan oo iyagu jawaab u noqda su’aal walba oo
miiska saaran.
Mucaaradka meles Zenawi waxay ku eedeeyaan inuu aasay Itoobiya, isagoo ka qariyey indhaha iyo dhegaha caalamka labadaba, una horseeday inay Itoobiya weli ka mid tahay waddamada ugu maciishad iyo horumarka liita Adduunka, waxayse dhinaca kale taageerayaasha meles aaminsanyihiin,inuu meles Itoobiya ka dhigay waddamada ugu horreeya qaaradda Africa marka la eego dhismaha iyo jidadka, isagoo waddanka keenay companyo shisheeyaa oo maalgashada islamarkaasna kobciya dhaqaalaha Dalka.
Saamaynta Meles ee Dibadda Itoobiya
Xukunka Meles Zenawi wuxuu Itoobiya u horseeday in ay saamayn baaxad leh ku yeelato dowladaha dariska la ah Itoobiya, Geeska Africa iyo
guud ahaa Caalamka oo dhan. Wuxuu ku guuleystay inay Itoobiya hanato furaha siyaasadda ee Soomaaliya, Adis-ababana noqoto xarunta ay
talada kama danbaystaa ka qaataan siyaasiyiinta Soomaalida iyo sidoo kale dowladaha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
Mr Zenawi wuxuu shiish iyo taarged ka dhigtay sidii aysan dowlad Adag, ama ugu yaraan Islaami ah aysan uga dhalan lahayn Soomaaliya,
ra’yigaas oo marxabayn iyo gacaltooyo hoose uu uga helay dowladaha Reer Galbeedka, oo iyagu aaminsan inay Soomaaliya ubuc unoqon karto waxa ay ugu yeeraan Argagixisada oo ay ku jiraan Kooxaha Islaamiyiinta
ah, Sida Alshabaab oo kale.
Meles, oo sifiican u yaqaan muddana ku noolaa Magaalada muqdisho wuxuu sifiican u kala bartay deegaanada, maamulada, qabaailka, siyaasiyiinta iyo xataa luuqadda Soomaaliga, taasoo u suurta gelisay inuu si sahlan u hago siyaasadda Soomaaliya isagoo ku sugan guriga Madaxtooyada Itoobiya.
Soomaali badan waxay rumaysanyihiin in fara gelinta Dowladda Itoobiya sababtay inaysan Soomaaliya yeelan dowlad, iyadoon weliba intaas
keliya ku dayne samaysay dagaal oogeyaal, sidoo kalena hubaysay qabaa’il iyo kooxo iyada taageersan, si aysan marnaba u suura gelin
Dowlad iyo Dal Soomaaliyeed oo is raaca.
Inkastoo had iyo goor ay Ciidamada Itoobiya geli jireen gudaha Soomaaliya, haddana dhammaadkii 2006dii ayey ahayd markii ay tobanaan
kun oo millatariga Itoobiya ah duulaan ku qaadeen gudaha Soomaaliya,iyagoo oggolaansho ka haystay Dowladda Taagta daran ee Soomaaliya,dhaqaale iyo taageero siyaasadeedna ka helayey Dowladaha reer Galbeedka. Ujeedka duulaanka ayaa ahaa in la tirtiro kooxaha
Islaamiyiinta ee ka curtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Magaalada Muqdisho oo ay Maxkamadihii Islaamigu horkacayeen, hase ahaatee
2009-kii ayaa dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya sheegeen inay soo afjarantay joogitaankii Millatariga Itoobiya.
Bishar Abdirisaq Cabdi
Seattle, Washington. USA.
bishaarcc@gmail.com