|

Al-Shabaab oo u dabaal-degtay dhimashada Meles Zenawi

Muqdisho 21, August 2012 (SDN/AFP)- Kooxda AlShabaabta Soomaaliya ee ku xidhan Al-Qaacida, ayaa Salaasadii maanta u dabaal-degtay dhimashada Raysul-wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo ku geeriyooday dalka Belgium.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee AFP, Meles Zenawi waxa uu laba jeer ciidanka dalkiisa u diray Somalia si ay ula dagaalamaan dagaal-yahanka Islaamiyiinta ah.

“Dhimashada Meles waa war niyad-wanaag u ah Soomaalida. Waxaanu Allaah ka baryaynaa inuu ku ciqaabo isaga (Meles) wixii uu ku sameeyay dadkayaga,” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo la hadlay idaacad afka kooxdaas ku hadasha oo la yidhaahdo Radio Andalus.

Idaacadda kooxda xagjirka ahi waxay barnaamij gaar ah Salaasadii maanta ka samaysay dhimashada Meles Zenawi, iyadoo taageerayaashuna u soo dirayeen fariimo ay ku soo dhawaynayaan warkaas dhimashada Raysal-wasaarihii dalka Itoobiya.

Meles waxa uu markii koowaad ciidankiisa geliyay Soomaaliya sannadkii 2006, si ay u ridaan xukunka Islaamiga ah, waxayna ka baxeen 2009.

Markale, waxa uu ciidanka Itoobiya u diray Soomaaliya sannadkii hore (2011), waxayna sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhimashadiisa, waxa lagu dhawaaqay Salaasada maanta, maalin uun ka dib markii munaasibad taariikhi ah lagu dhaariyay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dedaaladii ugu dambeeyay lagu dhameeyay khilaafaad socday labaatankii sannadood ee u dambeeyay.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed