Madaxweynaha Somaliland oo Itoobiya ka tacsiyadeeyay dhimashada Meles Zenawi, una lugeeyay Safaaraddooda Hargeysa (Daawo Sawirada)
Hargeysa 21, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa socdaal lug ah oo uu Madaxtooyada kaga baxay ku tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, si uu dawladda Itoobiya uu uga tacsiyadeeyo dhimashada Raysal-wasaarahoodii Meles Zenawi oo ku geeriyooday dalka Belgium.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Daahir soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in dawladdiisu ay miisaan culus kaga qaybgalayso tacsida hoggaamiyaha Itoobiya ee geeriyooday, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Tacsi ah oo tiiraanyo leh u dirayaa dawlada iyo shacbiga Ethiopia ee aynu walaalaha iyo Saaxiibka dhaw nahay
Geerida ku timid Hogaamiyihii Saciibka ahaa ee Ra’iisal wasaare Melez Zinawi oo ku geeriyooday Dalka Belgium oo uu maalmihii u danbeeyey u jiifay xanuunkan sababay dhimashadiisa.
Madaxweynuhu waxa uu Ra’iisal wasaraha geeridiisa ku tilmaamay inay tahay mid ku timid guud ahaan mandaqada geeska Afrika oo dhan, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu ahaa ra’iisal wasaare Zinawi ahaa nin Xil iska saara Nabad-gelyada geeska.
Madaxweynaha oo ay damaqday geerida Kediska ah ee ku timid Dalka Ehiopia waxa uu u lugeeyey oo uu tacsi u tegay Safaarada dalkaasi ku leeyahay Hargeysa isaga oo ay ku wehelinayaan, Marwadiisa koowaad, Xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo xubno uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.
Waxaanu sheegay madaxweynuhu in ay Somaliland miisaan Culus kaga qayb-gelayso tacsida Ra’iisal wasaaraha.
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Ethiopia illaahay uga beryey in uu bedelkiisa siiyo Ra’iisal wasaarahaasi ka baxay.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com