CUNISTA WARAABAHA DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA?
Bismilaahi raxmaani raxiim ascww
Waraabuhu ma xalaalbaa mise waa xaaram?
horta inaan jirayba bahalkaa warabaha oo laga baqo ayaan ogaa lakiin hada in isagii uu
meel uu galo waayay oo rag ugaadhasanayaan waa mid igu cusb[dunida geesiyaalba wali jooga]
Diinta islaamku marka hore waa mid jirtay in ka badan 400 oo sano dadkuna waxa
uu kusoo dhaqmaayay mudooyin badan oo aad u darsaayay ku dhaqankeeda iyo fahankeeda
waqtigii nabiga CSW iyo waqtiyadii asxaabta diintu waxay ahayd mid ka xoog badan waqtiyadan
hada la joogo, hase yeeshe wixii ka danbeeyay waxa dhacaysay in jiilba jiilka kasii danbeeya
ay ku adkaato fahanka diintu ama sharaxaada diinta islaamku.
Iyadoo ay sidaa tahay hadana waxa jiray culumo waawayn oo isku dayay inay diinta fahankeeda
iyo sharaaxdeeda isku dayaan inay tarjumaan
waxa diinta lagu tarjumay dhamaan luqadaha aduunka laga isticaamlo si loo fahmo diinta islaamka
waad garan kartaa hawsha ay leedahay iyo in isabadal badan ku iman karo oo xataa laga yaabo
in luqada caribiga marka luqad kale loo badalo in qalad ka iman karo asagoon qofku rabin inuu
wax qaldo balse sharaxaada uu si kale u dhigo[ quraaanku ma qaldamo lamana badali karo]
maa macnaah[INAA ANSALNAAHU WA INA LAHU LA XAFIDIIN.] aw kamaa qaal
Balse qof waliba luqadiisa markuu ku tarjumo way dhici kartaa inuu wax is yar waydaariyo
mad-habah afarta ee shaafici, maaliki xanbali dhamaan waxa abuuray ragan magacyadooda lagu xusay
waxaanay ragaasi isku dayeen inay dadka diinta fahansiiyaan[mahadi hakaa gadhee].
waanay sameeyeen dadal badan waxase ay cadeeyeen in aan la qaadan karin wixii ka hor yimaada
kalaamka ilaahay subxaanuhu watacaala iyo sunaha rasuulka calayhi afdalu salaatu wasalaam.
Tan xoolaha la cuno aniga aqoontay sidaan diinta ku bartay waxa jiray xoolaha nimcoolad loo yaqaan
oo dadkeenu in badan cuni jiray waana ta diintu banaysay ee la yidhi waxa laydiin xalaaleeyay
xoolaha nimcooladay oo ah, adhiga , geela iyo loda .
waxa diintu xarimtay wixii aan dar ilaahay loo gawricin [ wamaa uhila li qayri laah]
sidoo kale waxa xaaraan lagu sheegay doofaarka [laxmul khansiir] oo aan muslimku cunin
even xataa diimaha kale christiyantiga waxa ku qoran in doofaarku xaaaraan yahay sida bible oo kale
both muslim and judisam forbid eating pork.
Waxase aduunyada ku dhacay isbadalo badan oo keenay in xataa diimaha aan muslimka ahayni
banaystaan waxyaabo kitaabkoodu ka xaaraan timeeyay
hadaba inaga musilm ahaan ilama fiicna inaynu banaysano wax aan diintu inoo xalaalayn
hadiiba culimada xalaaleeyay waraabaha ay inoo hayaan daliil cad oo ku salaysan
aayaad quraakna kariimka ah ama xadiiska nabiga calaysi salaatu wasalaame ha inoo sheegaan
Diintu caqli maaha balse waa hadalkii ilaahay maa macnaah[wamaa yandiqu canil hawaa in huwa
waxyun yuuxaa ilayhi] aw kamaa qaala
nabigu calaysi salaatu wasalaam quraanka kamuu keenin caqligiisa mana aha wax uu asagu iskaga
dhawaaqay oo hawadiisa ah balse waa waxyi ilaahay subaaxunu watacalaa ku soo dajiyay.
sidaa daradeed waxa aniga ila wanagsan in arinkaa waraabaha bal dib loogu noqdo oo la helo
daliil cad oo loo adeegsan karo.
Hadiise sidan lagu wado arinka barina magaalada ayaa laga waayi BISADAHA oo la wada cuni
sida wadanka philibin waxa kaloo la ugaadhsan libaaxa, harimacadka , iyo maroodiga
shakhsiyan ma ihi dadka culimada kasoo horjeesta ama diinta ku lidiga ah
balse hadaan idhaa waar arinkan aan HUBSANO malaa gaf maan samayn waayo dood wanaagu
waa isfahanka umada , wax is waydiintu waa natiijada in la helo jawaabo sugan
Gabagabdii
Libaaxa waliba asaga in uu xalaal yahay iyo in kale inoo hubiya waayo bahalkaa dad badan ayuu inaga
qabaa in maanta asaga godka loogu galo oo la ugaadhsado waa mid ka hadlkeeda leh
intaasina wa kaftan
wabilaahi tawfiiq
SICIID CABDI DHEEN
dheen2011@hotmail.co.uk