|

Tababare iskaga Hayaamey Kooxdiisii Mushahar La’aan.(CIID MUBAARIG SAAXIIBAYAAL)

BANGUI-August-20-08-2012-Saaxiibayaal marka hore ciid wanaagsan.

Barnaamijkeena waxaynu maanta ku soo qaadaneynaa tababarihii caanka ahaa reer France (Jules Accorsi) oo mushahar la’aan iskaga qaxay kooxdii xulka qaranka ee jamhuuriyadda dhexe ee Afrika.

Haddaba waxaa cajiib ah waddan dhan oo soo kireystey tababarayaasha aduunka u caansan mid ka mid ah oo  haddana  waayey quutal yoonkiisii.

Akhyaartay tababarahan Jules Accrosi oo runtii la yaab ku noqotey mushahar la’aantan uuna dhakow kasiin muddow 8-Bilood ah,taas oo kasbatey inuu shaqadii iskaga tago.

Haddaba tababarahan oo runtii ka mid ah tababarayaash aduunka ugu fiican ayaa waddanka Afrikada dhexe xulkiisa qaranka muddo tababarayey soona gaadhsiiyey heer fiican oo ay wax iskaga celiyaan.

Jules Accorsi ayaa isku dayey in inuu weydiisto mushaharkiisa dawladda laakiin wax u soo jawaaba ayuu arki waayey isla markiina wuxuu goosteyy inuu iskaga hayaamo kooxdii uu tababarayey ee xulka qaranka ee dawladda Afrikada dhexe mushahar la’aan.

W/qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

mjaahuur@hotmail.com

Comments are closed