Madaxweynaha Kenya oo hanjabaad culus u diray kuwa ku sifooba Qaswadeyaasha Soomaaliya, shaaciyayna talaabooyinka dawladdiisu ka qaadi doonto
Nairobi 18, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, ayaa digniin culus u diray shaqsiyaadka ku sifooba inay hagar-daamaynayaan hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Kibaki waxa uu tilmaamay talaabooyin adag oo dalkiisu ka qaadi doono cida loo arko inay xagal-daacinayso hanaanka cusub ee Soomaaliya ama cida kelideed xoog ku maamulato nidaamka haatan socda.
Madaxweynaha Kenya waxa uu ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay feejignaadaan oo ay ka hortagaan isku-day kasta oo lagu xagal-daacinayo hirgelinta qorshihii siyaasadda ee ay Soomaalidu ku heshiisay.
Mr. Mwai Kibaki waxa uu ku hanjabay in Kenya aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay hagar-daamayso dhismaha dawladda cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in 20 bishan August loo doorto hoggaamiye cusub. “Kuwa ku sifooba lugooyada Soomaaliya, waxa loola xisaabtami doonaa si shaqsi ah, dawladda Kenya-na markaa kama maagi doonto inay magac dhawdo oo ay go’doomiso, waxayna ku soo rogi doontaa cunaqabatayn,” ayuu yidhi Madaxweyne Kibaki.
Qurbejoog.com, Nairobi