SAFAARADA SOMALIYA KU LEEDAHAY DALKA UGANDHA OO RAFAAD BADAN AY KALA KULMAAN MUWAADINIINTA SOMALIYEED!!!!
Kampala (SDN), Safaradu sida caadiga waa xurmo iyo qadarani Qaran ku leeyey Qaran kale, waa Dhisme uu wadanka iska le u adeegsado horumarinta dalkisa, dhan dhaqale, siyasadeed, dhaqan, iyo awoodad, isagoo dhinaca kalena shacabka dalka kale u fududayna helida macluumadka saxa ee ku saabsan dalkisa.
Sida ay dhigaya xeerarka caalaimga, iyo dhaqanka guunka ee Dawladaha Caalamku dalkasta oo madaxbanan wuxu xaq u leeyey inu dhisme safaraded ka furto wadan kale, si uu difaaco danihisa gaarka, una dabo galo danaha mujtamiciisa dalkasi ku nool, isago u maraya qawaaninta caalamiga, balse nasiib daro arintan waxa dayacay Safarada Somaliya ku leeday Dalka Uganda oo u eeg mid Dayacday Shaqadi iyo Karamadi ay Safaradi lahayd.
Waxa caadi noqday laalushka sida badheedhka looga qaado muwadiininta Somaliyed sida sharciga uso galaysa dalka, wakhti ay ay dhib iyo rafaad badan la mutan dadka Somaliyed ee taagta darin dhamays tirka Safarkooda iyo inay bixiyan lacag an ahayn ta sharciga ee laga rabo, lacagtan oo noqoday wax iska caadiya.
Qofkasto soo galaya waxa sharciyan laga raba $50 oo Vise ah, lakin qofkasta waxa ku qasab inu bixiyo lacag dheerada si loogu ogolad inu galo dalka, lacagtan oo ah mid sharci dara isla markan anay ka warqabin maamulka sare ee dawlada Uganda , ayey dhawr jeer ka cabteen shucubta Somaliyed, markay noqotay waxan loo dul qaadan Karin.
Dhacdoyinkan xanuunka badan ayey safarda Somaliyed iyo shaqaleheedu ka warqaban balse aanay jirin ila imika wax muuqda oo laga qabtay, arintan oo shacabku garan layey sababtu inay tahay Aqoon daro, Karti Xuman iyo Masuuliyad daro ka timi dhanka Masulinta ka hawl gasha safarada aya abuurtay in la samaysto Gudiyo tiro badan oo ka madax banan Safarada kuwaso iyagu isku hawla shaqadi Safarada.
Arintana ayaa u soo beegmaysa wakhti xidhiidh xoog badan ka dhaxeeyo labada dawladood ee Uganda iyo Somalia, madaamo Ciidamada ugu badan ee jooga Somalia ay yihiin kuwo reer Uganda, dhanka kale Dawlada Rer Uganda Ixtiram wayn u hayso shucubta Somaliyed,
Xaaladan ayaa soo raacaysa wakhti adeega, dhismaha iyo guud ahaan hanaanka Safaradu tahay mid aad loo dhaliiilayo, oo inta badan ay ad ula yaaban madaxda dawlada Sare markay booqasho ku imadan dalka Uganda ayay lama huran tahay soo fara galinta Maamulka wasarada Arimaha dibada Somaliya wakhti in yar ka hadhsan yahay xiligi kala guurka.
Mustafe barud
Wariye khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
Xafiiska Kampala/ugandha