|

Masuuliyiinta Madaxtooyada oo tacsi diraya

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa ay si wada jira halkan ka tacsiyadaynayaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Caruurtii ay ka baxday MARXUUMA, MAKA XAAJI CAWAD oo ku geeriyootay Cariga Maraykanka 18/08/2012.

Labadan Masuul waxay ILLAAHAY uga baryayaan Marxuumada inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Caruurtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Comments are closed