Ururrka Haldoor Oo Kaalmo Raashin Ah Gaadhsiiyey Degmada Labi-Sagaale iyo Nawaaxigeeda.!
Columbus Aug 18,2012 (SDN)…Xubno ka tirsan madaxda iyo maamulka Ururrka Sama Salka ee Haldoor, ayaa gaadhsiiyeey caawimo raashina deegaanka Labi-sagaale,oo ay ku dhaqan yiin mushtamaca aad u tiro badani, halkaas oo ay si balaadhan ugu qeybiyeen dadkii ku dhaqanaa degaankaasi labi-sagaale raashin kala duwan, waxa kale oo uu ururrkan Haldoor uu ka dhisi doonaa mudo yar ka dib MCH, lagu daweeyo bulshadaas ku dhaqan goobtaasi si ay uga helaan daryeel caafimadaad gaar ahaan bulshada inteeda jilicsan dumarka iyo caruurta, halka uuururrkan haldoor deegaamo kalena ay qorshaha ugu jiraan in uu ka dhiso doono MCH-yo iyo xarumo wax barasho iyana wakhtiga inagu soo foole. Ururrka Haldaoor wax uu si balaadhan uga howlgalaa dhamaan deegaanda JSL,isagoo ka kaalmeynaya dhanka xarumo cafimaad iyo kuwo wax barsho sidoo kalena gaadhsiinayana gaadhsiinaya kalmooyin iyo wacyigelin dhanwalba ah.
Kalmadaa ururrku Haldoor gaadhsiiyey ummada ku dhaqan deegaankaasi ayaa noqotay mid wakht ay aad ugu baahan yiin ku soo beegantay oo ay maatidaasi ka muujiyeen farxad aada , maamulka madaxdii Labi-sagaale ayaa sheegay in kaalmadani tahay mud ay si weyn uga ajeebeen ururrka sidoo kale waxa si diiran u soo dhaweeyeen dhismaha MCH-ka ururrka iyo bulshada reer Labisagaale ay iska kaashan doonaa dhisidiisa Ururrka Haldoor waxa uu dhawaan safaro indho indhayna ugu bixi doonaa deegamo badan oo ka mida JSl halkaas oo ay soo ururrin doonaa macluumaadyo badan oo ku saabsan baahiya mushtabaca deegamadaas aan kaalmada dawladeed iyo ta hayadeedba gaadhin.
SDN-Columbus, Oh
contact@somalidiasporanews.com