Madaxweynaha Somaliland ayaa shacabka hambalyo u diray munaasibadda ciidul fidriga darteed
Hargeysa Aug 18,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dhanbaal Hambalyo ah u diray shicibka guddo iyo dibeddba munasibada ciidul fidriga awgeed.
Waxa sidaa lagu xusay war maanta uu soo saaray afhayeenka madaxweynaha Somaliland Md Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse oo u qoraa sidan;“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga awgeed.
Madaxweynuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu illaahay ka baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo. waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.
Madaxweynuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND…. saamax-naakum. Sidoo kale maalinta beri ah ayuu madaxweynuhu Khudbad u jeedin doonaa bulshada Somaliland, Salaada Ciidal Fidriga ka dib.
CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com