|

Xeeladaha iyo Awoodaha Qarsoon ee ay adeegsanayan Hantilayashu waxay caqabad ku tahay danta dadka

Waxan marka hore halkan ka salaamaya dhamaan akhristayaasha maqaalkan .  Inta, kadkib waxan doonaya inan maanta ka hadlo, bal akhristaw waxad marwalba isku mushquulisan siyaasada dalka iyo siyaasinta ee waxan idin sheegaya inay soo baxday awoodkale oo qarsoon kuwaaso aan ka dhicin ta siyaasada aad ku mashquusheen , haddii aan arrinta laga feejinaanwayo waxay leedahay dhibkeeda.

Haddii aan  hadalkayga ku soo dhawaado, waqtigii dalka la soo galay, waxaynu wada ognahay in dad badan oo ganacsade yaal aha ay ku lacagaysteen cashuurta laga qaadi jiray oo aad u yarayd, taasoo ay dawlada somaliland ku macnaysay dadka oo markii wadanka laga soo noqday ahaa dad hantidoodii baab’aday , sidaana ay dawladu u yeeshay si dhaqaalaha wadanku u soo kabco.   Sidoo,  kale Somalia markii maamulkii Militariga ahaa burburay ayay ganacsatadii dalkaasoo dhami ku shaqaynjireen iyaga oo aan bixin haba yarataa wax cashuura ah.

Waxa hadaba jira sidiisaba wax qabadka dawlada ee ah adeega bulshada sida wadooyinka, laydhka , waxbarashada, caafimaadka iyo biyuhu waxay u fiicantahay dadka danyarta ah iyo shaqaalahaba in ay dawladu adeega noocas gacanta ku hayso.

Maamuladii ka horeyay kan hadda gacanta ku haya Somaliland ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo, aad bay uga gaabiyeen inay wax badan oo looga baahna wax ka qabtaan dhinaca adeega bulshada.  Waqtigaana adeegyo badan oo bulshadu leedahay aya waxay gacanta u galeen ganacsata reer Somaliland ah kuwaaso aan wax nadaam hagaagsan ah aan u samayn qaabkii laydhadhka wadooyinka iyo meesha laga wadi jiray gawaadhida oo nadaamkoodi wada qaribmay iyadoo aanay bariga jirin dawlad adag oo daba gasha waxay qabanyaan shirkadahaasi iyo tayada adeega ay fidinayaanba. Nasiib daro nadaam kii qaloocna ee beriga abuurmay ila imika wuu jira, walaw dawladan imika jirta wax ka qabatay qayba ka mid ah hadana waa nidaam soo jiray ila 18 sanee ugu danbeeyay oo si dhib yar loogu gudbi Karin laakin kolay dawladani waxay ku guulaystay inay isku xidho isgaadhsiinti, kalana hadasho ganacsatada inay biro tayo leh keenan oo waayiradu dhulka  marayan si bilicda magaaladu u hagaagto wali waa sugaya taa waxay ka yeeli doonan.

Hadaba aan kala qaadnee nidaamka qaloocmay ay ganacsatadu wadanka ka sameeyen, baynu doonayna inaynu ka yara hadalao.  Tusale ahaan , shirkadaha Laydhka, iyo Telephonada inkasto ay adeega bulshada ka qayqaaten.  Hadana dhinaca kale waxad odhan karta waxay qaribeen bilicdii magaalada.  Marka magaalada Hargeisa iyo kuwa kaleba sidaa loo eego  waxad runtii mooda tuulo, iyadoo ay daaro badan, Villooyin badani ay ka dhisanyihiin hadana waxaaso bilic ah waxa hoos u dhigay quryaha sidaa ah waayirada laydhka iyo telephonka oo kuligood hayaan qorya wada liicya.  Waqtiyada roobkana wayba soo dhacaan oo dadka noloshooda ayaaba khatar ku jirta inuu laydhku qabsado.

Waxa wax la la yaaba ah, in maanta Jigjiga oo ayunu ogayn siday ahaan jirtay oo waliba aanay ku oolin guryaha, Vilooyinka yo Hoteada Hargeisa ku yaala ay maanta  Hargeisa ka qurux badantahay.  Taana waxa keenay oo keliya biraha dhadheer ee laydhka oo Jidadka taxan kuwaasoo waayiradoodu dhulka maraan , taasina waxay magaalada u keentay in bilicdeedi hagaajiso. Waxad kaloo arkaysa in ganacsatadu ay keenen gawaadhi midigta laga maraayo kuwaasoo caalamka maanta dhawr dawladood mooyane aan cidina dhinaca waxba ka kaxaynin.  Nadaam xumadadaasi waxay sababtay shilal badanoo dhaca iyo nadaamki wadooyinka oo isbedel,  inkasto ay canaanta xooga lihi ku dhacayso dawladihi tan imika ka horeyay oo aan arrimaha waxba ka qaban.

Mida kale, waxan beryahan aad uga dhegaysana warbaahinta, in Hantiilayashii wadanka ugu waaweyne looga taag la’yahay qaar ka mid ah waar cashuurta idin qabatay bixiya.  Waxa taa hore uga hadlay wasiirki hore ee Maaliyada Mohamed Hashi oo sheegay in dhibka ugu darani uu yahay maalqabeenadi wadanka ugu waaweyn oo aan cashur fiican ogolayn.  Maalin dhawaydna waxay dawladu ku dhawaaqday in qofkii ganacsade ee cashuurtan cusub sida guryaha iyo (VAT) diiida sharciga la hor keeni doono.    Maayarka magaalada Hargeisa Engineer Jiciiir oo ay isna laga waraystay TV qaranka wuxu sheegay in niman maalqabeenah oo warshadaha laydhka qaar mid leh ay cashuurihi dawlada hoose bixin la’yihin, waxanu sheegay haday sharciga u hoogaansami waayaan in ruqsada laga qaadi doono.

Dhacdadan imika ugu danbaysay waxay ka dhalatay, marki uu Wasiirka  Macdantu iyo biyuhu ku gaadhay go’an ahaa in magaalada Burco aanay shirkad gaar ahi biyo gelin ku samayn Karin hada kadib.  Sababtu waxa weeye wakaaladii biyaha ee burco iyo ceelal cusub oo la qoday ayaa ku filan magaalada, sida la sheegayna wakaalada biyuhu si fiican bay u shaqaysa.   Markay taasi dhacday ayay niman ganacsadihi oo reer burca ahi ka dacweeyeen Wasiirkii golaha wakiilada, waxa kale oo ay abaabuleen in cuqaal iyo shiciba ay TVyada somalida uga doodaan iyagoo taa u filinay danaha Ganacsadyasha.

Waxa wax laga xumaada ah in Xildhibaanadi golaha wakiilada oo ay shicibki u doorteen inay danahooda ka shaqeeyaan ay maanta u doodayaan Hantiile danihiisa gaar u socda.  Ragaasoo ah ganacsata Riigag soo iibsaday oo doonaya in biyhaa ceelasha la qado dadka laga iibiyo, taasoo an odhan karno wax shicibka iyo dad yarta ah midna aanay dani ugu jrin weeye .   Biyaua sideedaba waxa u fiican dadka shicibka ah in dawladu gacanta ku hayso waayo waa wax daruuri ah kumana xidhnankaran nin ganacsada ah oo wixisu aanay guarantee ahayn oo ku odhan waqti kasta waxba istaagay.

Waxa kale oo wax laga xumaada ah in dadka reer  Somaliland ay fahmiwaayeen.  Kaalinta waxqabad ahaa uu ugu jiro Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Engineer Hussein Duacale oo beri dhawayd Jaraaiidku Somaliland ku dareen wasiiradii liiskii wasiiradii ugu waxqabadka badna.   Bal eeg lacagtii ahayd 37 milion ee Euro ay ugu deeqeen EU Hargeisa in lagu balaadhiyo biyaheed iyo ceelashii iy baliyadii ay ku deeqeen dawladaha khaliijku.  Waxaasi oo wax qabad ahi iskamay imane ee wuxu ku soo dhameeyay aqoon iyo dadaal, waxaasoo dhana waxa mahadiisa leh isaga iyo Madaxweynaha dalka Ahmed Mohamed Siilaanyo.

Waxan  hadalkayga ku soo gabagabaynaya dadka shacbiga ah mar walba waxbay ka sheegaan siyaasiinta iyo dawlada ee maxa hantiilayaashan Awooda la soo baxay loo arki waayay. Xildhibaanada iyo Salaadiinta waxan waar dadku waxay idin doorteen waa inaad dadka jilicsan iyo shacabka aad garab istaagtaane ee may ahayn maanta in nin hantiila ah aad danahiisa u fulisaa.  Shicibkana waxan leeyahay waar dantiina eegta oo kala barta xildhibaanka iyo suldaanka dantiina wada iyo ka kale.   Hantiilayaasha waxan leeyahay awoodan aad imika la soo baxdeen aa doonaysan inaad u adeegsataan xidhibaanada, salaadiinta iyo warbaahintaba waa mid aan idin soconaynine ee haddaad maal gelin samaynaysaan warshada abuura intaad Biyo wakaalada biyha ka tafa xaydanaysan.

Qalinki

Adan Jama Kahin

Milton keyens

UK

Comments are closed