Xaglotoosiye oo booqday degaanadii dhawaanta ay ciidamada Somaliland ka baxeen iyo sheegashadii Khaatumo oo meesha ka baxday
Kalshaale Aug 18,2012(SDN)-Hogamiyaha Jebhadii SSC ee dhawaanta heshiiska la gashay dawlada Somaliland ayaa booqasho ku tegay degaano ay dhawaan baneeyeen ciidamada Somaliland ka dib heshiis labada dhan ay sidaa ku gaareen.
Degaanka ayaa gacan ku heyntiisa waxa sheegtay dhawaan maamulka Khaatumo,balse sheegashadaa ayaa u muuqata mid meesha ka baxday.
Md Saleebaan Xaglotoosiye iyo wefdiga uu hogaaminayay ayaa booqashadooda ku micneeyay la socodka iyo dhiirigelinta nabad sal dhigata degaanadaasi.
Wefdiga SSCda ayaa lugta soo mariyay degaanada Maygaagle, Sooljoogto, Kalshaale iyo Hagoogane oo gebi ay baneeyeen ciidamada Somaliland.
Degaanadaa ayaa iminka waxa dib ugu soo noqday dadkii halkaa isga hayaamay kolkii ay noqotay goobta dagaal.
Wefdiga Saleebaan Xaglotoosiye ayaa dadka degaanka ka dhegeystay warbixino ay ka siinayeen sida heshiiska nabadeed ee SSCda iyo Somaliland degaanadaa u saameysay.iyo baahida ay u qabaan nabada oo la dhameystiro.
Degaanadan ayaa in mudo ahba ahaa goob dagaal oo shicibkii ku noolaa ay isaga hayaameen,haatana waxa ay xarun u noqonayaan nabad degaanka oo idil sal dhigata.
SDN-Kalshaale
contact@somalidiasporanews.com