|

Jeylaani Wiil Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan,maxey tahay sababtu?

Manchester Aug 18 2012(SDN)-Jeylaani Jeylaani waa wiil Soomaaliyeed oo degen magaalada Manchester ee cariga Ingriiska oo dalkaa tegay kiyoon ku hadal kelmed Ingiriis ah iminkana bilaabaya Jaamacada dalkaa iyo dunidaba ugu sumcada badan ee Oxford.

Jeylaan ayaa macalimiintiisu sheegeen in uu yahay ardey dedaal faro badan muujiyay oo gidigood ay ku faraxsan yihiin in uu heerkaas gaaray.

Ardeygan Soomaaliyeed ayaa waxa uu wakhti dheeri ah gelin jiray kor u qaadida heerkiisa tacliimeed sida ay macalimiintiisu qireen.

Waxa uu isku duba ridi jiray doodo tacliimeed oo aqoon kororsi uu ka heli jiray,waxaanu abaabuli jiray mashaariic waxbarasho ahaan ardeydu ay ula shaqeyneyso mutacaliimiin gacan qabata.

Jeylaani ayaa UK tegay kiyoo 8 jir ah oo aan luuqada dalkaa kelmed kaga hadal,iminkana waxa uu dedaal waxbarasho ku gaaray in uu jaamacada Oxford ka qaato culuunta Siyaasada,Dhaqaalaha iyo philosophy.

Jeylaani ayaa mustaqbalka doonaya in uu noqdo Suxufi siyaasada diirada si gaara u saara.

SDN-Manchester

contact@hotmail.com

Comments are closed