Deegaamada koonfurta dalka JSL iyo Hargeisa Xaafadda Ugu Mushtamaca Badan Oo Biyo La’aan Loogu Liito.
Deegaamada koonfurta dalka JSL iyo Hargeisa Xaafadda Ugu Mushtamaca Badan Oo Biyo La’aan Loogu Liito.
Dadka iyo deegamadu miyey kala ayaan roonyiin
Sida ummada reer Somaliland ay wada og-tahay,ka wada dheregsatay waxa jirtay wakhtigii Riyaali maamulka dalka hayey in uu jiray Riig Biyo qodid ka bilaabay deeganka koonfurta magalada Hargeisa, kaas oo aad ummadu ugu riyaaqdey balse si fool xun oo macangagnimo hayso ay dawladii Riyaale iyo maamulkii wakaalada biyaha ay ugaga soo qaaday Riigii dadkaa iyo deegaanka balaadhan ee biyo la’aantu haysay loona geeyeye deegamada Galbeedka sida Awdal iyo Gabiilay, welina uu ceelal uga qodayo dhulkaas dad gaarina ay iskaga adeegtaan ma dowbaa Ummadyey. Waa maxay sabadta deegaanadda qaarna biyo looga qodayo qaarna aan loo ogolayn in kaalmo Dawladeed iyo Hayadeed toona soo gaadho? Maxaa dadka qaara loo naasnuujinayaa qaarna aan looba soo jaleecaynin dhibka iyo baahida haysa?.
Xaafadaha ay ka midka yiin Axmed Dhagax,Mahamed Mooge, Cabdi Idaan, Maxamed Haybe, waa xaafadaha ay ku dhaqanyiin mushtamaca ugu tirada badan ee ku nool magaalada Hargeisa, balse waxa ka taagan biyo la’aan aada halka xaafadaha kale ay biyu habeen iyo maalin ay joogtada u yihiin.Xafadahaa biyo la’aantu ka taagan tahay maatideeda ayaa dhabarka kaga dhaansada dhul aan u dhaweyn halka qaar ka mid ahina ay biya kaga shubtaan booyadaha lacag aad ugu qaali ah oonay awoodin, dadkaa noloshoodu waa mid aan la saadaalin karin waxa ay ku danbeyn doonto.Ma jirto dedaal hayadeed iyo mid bulsheed iyo mid dawladeed oo mushkiladaa u dhaqdhaqaaqaysaa.
Maamulkii Dawlada Rayaale ayaa mudo aan sii fogeyn si badheedha uga soo dhaqaajiyey Riigii biyaha ka qodayey degmooyinka foonfurta Hargeisa ee ahaa rajada kaliya ee shacabkaasi sugaayay harradaku laayay.Beentii iyo cadaalad daradii lagaga qaaday Riigii biyaha u qodi lahaa dadkaa iyo deegaankaa balaadhan ayaa waxa ka mid ahaa balamahan madhan ee dawladii Riyaale ay la gelaysay dadkaa, “Riiga waxa aanu ku soo celin doonaa hal usbuuc, waxa aanu soo celin doonaa marka uu ceel qudha qodo” balamahaasi waxa ay ahayeen kuwo lagu dulmiyayo beena loogu sheegayo mushtamacaa biyo la’aantu hayso. Suldaanka Guud… Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir Suldaan Cabdilahi , ayaa mar uu arrintaa faalo gaaban ka bixiyey shaaca ka qaaday in Riig ay soo celinayaan aanu jirin arrintan dawlada Riyaale iyo inta gacansaarka dhow la leh ee arrintan hagaysaana aanay daacad ka ahayn rumeynta balamahaa ay sheegayaan.
Wakaalada biyaha ayaa mudo aad u dheer waxa shaqaale iyo madaxba ka ahaa jifo ka mida mushtamaca reer somaliland, jifadaasi waxa ay u rogtay wakaaladii biyaha ganacsi reer uu iska leeyey siduu doonana uu u maamusho ilaa maantana mushkilada ka taagan Hargeisa ee biyo la’aanta ah waxa sabab u ah dadkaa maamulka wakaalada biyaha iska yeeshay ee dawladii timaadaaba ku naasnuujinayso.
Hadaba waxa su’aashu ka taagan tahay mushtamaca iyo deegaanada miyaanay u sinayn nidaamka dawladeed ee aynu sheegano? Miyaanse cadaalad iyo caqliyad soo jeedaa jirin oo ummada si siman ugu adeegta oo ugu damqataa? Xildhibaanadan laga soo doorto deegaamadaasi miyaanay ahayn kuwo la mida kuwa deegaanadooda u adeegaya ee maalin walba keena baahida iyo tabashada deegaanadaasi golaha xildhibaanada? Dawlada cusub ee uu hagayo Siilaanyo qorshe wax lagaga qabanayo deegaankaas iyo magaalada Hargeisa inteeda badan ee mushtamaca badani ku dhaqan yahay ma jiraa? Hadii se uu jiro oo la maqlay maxaa xanibay ee loo suurto gelin waayey?
Maamulka madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu hayaa raadkii dawladii Riyaale ee uu ku eedaynayey in ay dhan qudha ka rarantay oonay u sinayn ummada ay metesho, siilaanyo waxa aan ku su’aalayaa maxaa ku ilowsiiyey dantii bulshada ee aad in ay muqadis tahay aad ku adimi jirtay maxaa yaala hoygaa madaxtooyada ee dareenkaagii aad ku tilmaami jirtay baahida umada mee maxa ku bedeley? Dadkii aad baahidooda tilmameysey way ku sugayaan welina way rajeynayaan kaalmadii dawladeed ee aad ugu balan qaaday.
Raga Awdal iyo Gabiiley ee u adeegaya bulshadooda ee u soo boobya bolshooyinka kale waxa aan ugu hanbalyeynayaa dedaalkooda iyo sida ay maatidooda ugu adeegayaan uguna wajahayaan marxalad kasata oo ay dadkooda wax ugu heli lahayeen.
Waxa aan ku boorinayaa dhamaan dhalinyarada degmooyinkaas iyo wax garadkooda in ay arrintaa si wada jira uga tashadaan ugunala xisaabtamaan maamulka Siilanyo, hadii uu wax ka qaban waayana waa in la xanibaa dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka magaalada sida ay u dhan tahay mudana loo qabtaa sidii maatidaa biyo loogu heli lahaa.
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe