|

Beelo eedeeyay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland

Hargeysa Aug 17,2012(SDN)-Beelaha Galbeedka Burco ayaa waxa ay yeesheen kulan ay ku taageerayaan mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee Somaliland oo dhaleeceeyay goaan ay sheegeen in wasiirka Macdanta iyo biyahu uu isku hortaagay in ceel laga qodo degaano ka mida gobolka Togdheer.

Waxgaradka Beelaha Galbeedka Burco ayaa kulankooda ku dhaleeceeyay Wasiiirka Macdanta iyo biyaha Md Xuseen Cali Ducaale oo ay sheegeen in uu faro gelin ku hayo wakaalada biyaha ee gobolka Togdheer.

Kulankan ay isugu timi beesha galbeedka Burco oo ka dhacay Hotelka Golis ee magaalada Burco ayaa waxa ka qeybgalay siyaasiyiin waxgarad iyo madax dhaqameed ka soo jeeda beeshaasi.

“ Dalku waxa uu leeyahay dastuur lagu ansixiyay afti dadweyne 2001dii oo maamulka iyo nadaamkiisa u kala xadaynaaya ,dawladuna waxay u qaybsantahay dawlad dhexe iyo mid Hoose ,dawlada dhexe-na waa golaha fulinta madaxweynaha ,wasiirada ,golayaasha sharcidajinta iyo garsoorka ,ta- Hoose-na waxay qaabilsantahay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada shuruucdooduna sidaas ayay u kala xadaysantahay labada dawladood.

Sidaa awgeed dawladaha Hoose iyagaa dastuurku xaq u siiyay in ay bixiyaan adeegyada biyaha ,laydhka ,dugsiyada hoose ,dhexe iyo caafimaadka markaa dawladda Hoose waxay xaq u leedahay adeegyada ay fuliso in ay cid heshiis kula gasho oo ruqsad u siiso si adeegii bulshadu u hesho markaa waa sharcidaro in ay wasaaradda macdanta iyo biyuhu soo farogaliso oo ay tidhaado waxaan maamulayaa ama aan la wareegay wakaaladda biyaha Burco iyo ganacsatadii ay ruqsada ssisay ,cid ka aqbalaysaa arinkaasi ma jirto waana sharci-daro cadaan ah”.Sidaasi waxa yidhi Yuusuf Maxamed Ducaale agaasimihii hore ee wasaarada arimaha gudaha Xukuumadii Rayaale oo ka mid ahaa waxgaradkii halkaa ka hadlay.

Doodan ayaa ka dhalatay goaamo uu wasiirku ka soo saarayhabka loo maaulayo deeqo ay hayado carbeed siiyen Somaliland oo biyo gelina.

SDN-Burco

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed