Dawladda dalka Ecuador oo Magangelyo siyaasadeed u fidisay aasaasaha shakabadda Fadeexadaha faafisa ee WikiLeaks iyo Briatin oo ka cadhooday
London, Quito August, 16 2012 (SDN/Reuters)- Dawladda Ecuador, ayaa Khamiistii maanta xaqiijisay inay magangelyo-siyaasadeed u fidisay aasaasaha shabakadda fadeexadaha faafisa ee WikiLeaks Mr. Julian Assange.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, go’aankani waxa uu ku soo beegmay maalin uun ka dib markii dawladda Britain ku hanjabtay inay weerarayso safaaradda Ecuador ee London, si ay u xidho Mr. Julian Assange.
Britain waxay sheegtay inay go’aansaday inay madaxa WikiLeaks u mastaafuriso dalka Sweden oo ay u taalo eedayn ku saabsan Kufsi iyo xadgudub galmo.
Hase yeeshee, Mr. Assange waxa uu ka cabsi qabaa in hubanti loo gudbin doono Maraykanka, kaasoo uu boqolaal kun oo xogo Sir ah oo uu website-kiisa ku faafiyay ka jabsaday, lana xidhiidha kuwo diblomaaasiyadeed iyo kuwo Milateri intaba.
Wasiirka Khaarajiga Ecuador Recardo Patino oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Quito, waxa uu sheegay in dalkiisu u baqay nolosha ninkan Australian-ka ah, kaasoo Madaxweynaha dalkaas Rafael Correa.
Hase yeeshee, dawladda Britain waxay aad uga cadhootay go’aankan ay ku dhaqaaqday dawladda Ecuador.
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK William Hague, waxa uu sheegay in dawladdiisu aanay u ogolaan doonin jid nabad ah oo uu Mr. Assange dalka dibadda ugaga baxo. “Boqortooyada Ingiriisku ma aqoonsana mabda’a magangelyo diblomaasiyadeed,” ayuu yidhi Mr. Hague.
Qurbejoog.com, London/Quito